Kismaayo (Caasimada Online) Maamulka kumeel gaarka ee Jubba ayaa maanta oo Jimco ah ku dhawaaqay in deeq lacageed oo gaareysa 100 kun oo dollarka Maraykanka ay ugu deeqeen dadkii ku wax yeeloobay duufaantii ku dhufatay deegannada Puntland bishii la soo dhaafay.
Kulan maanta ka dhacay madaxtooyada Kismaayo oo ay ka qaybgaleen ganacsato iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa looga dhawaaqay lacagtan, waxaana la sheegay in ay tahay wajigii koobaad.
Maamulka Jubba ayaa u mahadceliyay ganacsatada iyo dadka reer Kismaayo kuwaasoo ay sheegeen in ay muujiyeen sida ay ula qaybsanayaan walalahood reer Puntland ee ku wax yeeloobay dabeylaha iyo roobabka ka da’ay gobalada Bari iyo Nugaal.
Sarkaal u hadlay maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegay in lacagtan sida ugu dhaqsiyaha badan loogu wareejin doono maamulka Puntland.
Waa markii ugu horreysay oo maamul ka dhisan dalka uu lacag ugu deeqo dadkii ku wax yeeloobay duufantii ku dhufatay Puntland.
Maamulada Puntland iyo Jubba ayaa xiriir wanaagsan uu ka dhexeeya, waxaana Axmed Madoobe markii la doortay uu booqday magaalooyin ku yaalla Puntland.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Kismaayo