25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Maamulka Axmed Madoobe oo xabsi dhigay shaqaalaha dekedda Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kisamayo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubbada Hoose ayaa sheegaya ciidamada maamulka KMG  ah ee Jubba, in ay maalintii labaad ay xabsiga ku hayaan  qaar ka mid ah shyaqaalaha dekeda Kismaayo.

Ilo xog ogaal ah oo la soo xiriiray Shabakadda Caasimada Online, ayaa noo sheegay in shaqaalahan oo ka kooban 11 in laga qabtay bannaanka hore ee dekedda iyagoo ku sii jeeday guryahooda.

Maamulka Kismaayo ilaa hadda ma sheegin wax yaabaha loo xiray raggan 11-ka ah, kuwaasoo hadda ku xiran xarunta Maamulka Kismaayo.

Waa markii ugu horreysay oo maamulka  Axmed Madoobe uu xabsiga dhigo qaar ka mid ah shaaqalaaha marsada Kismaayo oo hadda shaqaysa.

Dhinaca kale,ammaanka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo fara badan oo foyijignaan ku jira.

Magaalada waxaa dhawaan ka dhacaya wajiga labaad ee shirka dib u heshiisiinta Jubbooyinka in kastoo la sheegay in uu din u dhici karo, waayo khilaaf xooggan ayaa hadda ka tafan Axmed Madoobe iyo ergada soo doortay isaga iyo ku-xigeenkiisa Gen Fartaag.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Kismaayo

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News