Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ku dhawaaqay in heegan buuxa la geliyay shaqaalaha waaxda gurmadka deg-degga ah ee Dowladda Hoose Xamar, si ay berri oo ay dhaceyso doorashada u gutaan waajbaadkooda shaqo.
Muungaab ayaa sheegay in la diyaariyay gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo ku filan shacabka, kaas oo ka kooban ambalaasyada, gaadiidka dab-damiska iyo booyadaha biyaha, si ay ugu adeegaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Dowladda Hooe ee Xamar waxay halkan kusoo bandhigeysaa ayna u sheegeysaa shacabka canshuur bixiyeyaasha ah in ay codkooda u dhiibtaan si walwal la’aan ah, waxaana diyaar ah waaxdii gurmadka deg-degga ah oo gaadiidkeeda ambalaaska ah iyo gaadiidkeeda dab-damiska ah ay dhammaan diyaar u yihiin” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in la ilaaliyo badqabka muwaadiniinta usoo baxaya doorashada qof iyo codka ah ee goleyaasha deegaanka degmooyinka oo beri Khamiis ah ka dhici doonto magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
“Ujeedka waxa uu yahay si loo ilaaliyo badqabka dadka codka bixinaya berri ee safafka dhaadheer ku jiro Dowladda Hoose ee Xamar qaybteeda waaxda gurmadka deg-degga ah diyaar ayay u tahay inay howshaas gutaan heeganbey u jiraan” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir.
Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in la diyaariyay ciidamadii ammaanka oo isugu jiro Boolis, Nabad-sugid iyo Boolis Mitaaro, si ay u sugaan nabad-gelyada, kuwaas oo uu tilmaamay in lagu soo daadi doono waddooyinka.
“Waxaa laamiyada ku sugan ciidamada nabad-gelyada, ciidankaana waxaa waayey waa ciidankii xaaladaha gaarka ah ka jawaabi lahaa, iyaguna heegan ayay ku jiraan” ayuu sii raaciyay.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo xalay Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka uu shaaciyay in lasoo gabagabeeyay ololahii doorashada ee ururrada siyaasadda, wuxuuna sidoo kale soo bandhigay liiska goobaha codeynta ee degmooyinka, halkaas oo ay dadweynuu tegi doonaan.


