Maamulka G/Banaadir oo shaaciyay in dib loo bilaabayo canshuur hore loo joojiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay dib u bilaabayaan qaadista canshuurta guryaha iyo daaraha ka dhisan magaalada Muqdisho, taasi oo horay loo joojiyay sanadkii dhamaaday ee 2022-ka.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in markii hore canshuurtan loo joojiyay arrimo la xiriira xalinta Maaliyadda.

“Laga bilaabo maanta maamulka gobolka iyo dowladda hoose ee Xamar waxay dib u bilaabayaan qaadista Canshuurta guryaha iyo daaraha ku yaala Muqdisho oo horay loo hakiyay bishii Oktoobar ee sanadkii dhamaaday 2022, sababo la xariira xalinta Maaliyadda,” ayuu yiri Afhayeen Saalax Dheere.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maamulka gobolka uu ka codsanayo Milkiilayaasha guryaha inay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha qaabilsan qaadista canshuurta.

Maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar ayaa waxa kale oo ay ugu baaqeen Milkiilayaasha iska leh guryaha burbursan ee ku yaala meelaha faras magaalaha inay dib u dhisaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in baaqan dambe uga dan leeyihiin “si bilicda magaalada caasimadda ah dib loogu soo celiyo oo ay ula tartanto caasimadaha kale ee caalamka.”

Maamulka cusub ee dowladda hoose ee Xamar, oo uu Hormuud u yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa wada dadaalo lagu dardar-gelinayo howsha ay u hayaan bulshada iyo bilicda caasimadda.

Waxaa dhawaana lasoo gaba-gabeeyay shirka banbaxa maamulka gobolka, kaasi oo diiradda lagu saarayay howlaha hortabinta u leh maamulka sanadka 2023-ka.