Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia ay mudooyinkaani eedeymo kala duwan u jeedinayeen Mas’uuliyiinta Maamulka Jubba, ayaa waxaa arrintaasi si kulul uga hadlay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Maamulka Jubba.
Geele Maxamed Aadan oo ah Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Maamulka Jubba ayaa sheegay in Magaalada Kismaayo aan lagu dilin Reer gaar ah, balse dilalka dhacaaya ay yihiin mid saameeya dhamaan beelaha degan Kismaayo.
Geele waxa uu sidoo kale sheegay in arrintaasi aysan ahayn mid xaqiiqo ah isla markaana laga been abuurayo Saraakiisha iyo Ciidamada Maamulka Jubba.
Wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay il gaar ah ku hayaan dhaqdhaqaaqyada Saraakiisha iyo Ciidamada Maamulka hadii ay dhacdana in Askari loo soo qabto dil uu geystay sharciga waxa uu ka qabo la marsiinayo.
Dhanka kale, Geelle Maxamed Aadan ayaa intaasi ku daray hadalkiisa in shaqsiyaadka arrimahaasi ka sheegayo Warbaahinta ay yihiin kuwa neceb nabada iyo horumarka Maamulka Jubba isla markaana ay doonayaan in ay isku diraan beelaha daga Gobolkaasi.
Haddalka Wasiir xigeenka ayaa kusoo aadayo xili Magaalada Kismaayo bil gudaheeda lagu dilay Sodomeeyo ruux kuwaasi oo aan la garaneynin sababta loo dilay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]