27.9 C
Mogadishu
Friday, October 10, 2025

Maamulka Puntland oo joojiyay dhoofka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa joojisey dhoofka Adhiga yaryar ee loo yaqaan Jiqiiq, iyada oo Wasaaradda Xoolaha Puntland ay shaacisay in tayo-xumo loo soo celiyey marar badan.

Warqad kasoo baxday Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland ayaa lagu mamnuucay in dekadaha, garoomaadda iyo marsooyinka yar-yar ee maamulka aan laga dhoofin karin xoolo aan marin habraacyada baarista caafimaadka xoolaha ee ay dejisay wasaaradda xannaanada xoolaha iyo dallalka loo dhoofinayo xoolaha.

“Waxaa la joojiyey laga bilaabo Maanta oo Taariikhdu tahay 09/10/2025 dhoofinta xoolaha da’doodu tahay sanad iyo wixii ka yar,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda xannaanada xoolaha Puntland.

Sidoo kale waxaa la faray maxjaradda magaalada Bosaso in aysan ogolaan in xeryohooda la soo geliyo isla markaana lagu baadho xoolaha da’doodu tahay sanad iyo wixii ka yar.

“Sidaas daraadeed waxaa laga codsanayaa hay’adaha ay warqaddani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto inay u dhaqaan galiyaan sida ay tahay, Isla markaasna cidii isku dayda inay jabiso laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Ujeeddo: Joojinta Dhoofka Xoolaha Yar-yar ee (Jaqiiqda) loo yaqaan

Markuu arkay: Xeernarka Caalamiga ah ee ku saabsan Caafimaadka iyo Dhoofka Xoolaha.

Markuu arkay: Dhibaatooyinka soo noq-noqday ee ay keentay dhoofinta Xoolaha yar yar taasoo sababtay dhimasho iyo in tayo xumo loo soo celiyo Xoolihii Dhoofay.

Markuu arkay:Sharci Lr.2 ee 8/09/2005 kuna saabsan sharciga Xannaanada Xoolaha DPL, kaasoo si faahfaahsan u qeexaya Shuruudaha Caafimaadka iyo Dhoofka Xoolaha.

Markuu la tashaday: Mas’uuliyiinta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha DPL Wuxuu soo saaray go’aamadan hoos ku xusan.

1. Inaan Dekadaha, Garoomaadda iyo marsooyinka yar-yar ee DPL laga dhoofin Karin Xoolo aan marin habraacyada baarista Caafimaadka Xoolaha ee ay Dejisay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Dallalka loo dhoofinayo Xoolaha.

2. Waxaa la joojiyey laga bilaabo Maanta oo Taariikhdu tahay 09/10/2025 dhoofinta Xoolaha Da’doodu tahay Sanad iyo wixii ka yar.

3. Maxjaradda Magaalada Bosaso waxa la farayaa inaysan ogolaan in Xeryohooda la soo geliyo isla markaana lagu baadho Xoolaha Da’doodu tahay sanad iyo wixii ka yar.

Sidaas daraadeed waxaa laga Codsanayaa Hay’adaha ay warqaddani sida tooska ah iyo sida dadbanba ugu socoto inay u dhaqaan galiyaan sida ay tahay, Isla markaasna cidii isku dayda inay jabiso laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

- Advertisement -

Read more

Local News