25.1 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Maamulka Trump oo shaaca ka qaaday sababta loo xiray Omar Jamal iyo kiis xasaasi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Omar Jamal, oo ka mid ahaa dadka ugu firfircoon bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, ayaa Jimcihii lagu xiray magaalada Minneapolis kadib markii ay qabteen saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka Mareykanka (Immigration and Customs Enforcement – ICE).

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Ammaanka Gudaha Mareykanka (Department of Homeland Security – DHS) ayaa xaqiijiyay xariga Jamal, isaga oo sheegay in, “Mareykanka uusan marti-geliye u ahayn dadka sharciga jebiya ee muhaajiriinta sharci-darrada ah. Dalka Mareykanka mar dambe ma noqon doono meel ay ku nabadgalaan dambileyaasha caalamka.”

Sida ay sheegeen saraakiisha Waaxda Amniga Gudaha, Jamal ayaa horay loogu haystay eedeymo ay ka mid yihiin “weerar, amar maxkamadeed oo looga reebay inuu la xiriiro xaaskiisa iyo carruurtiisa, saddex dacwadood oo la xiriira khiyaano, iyo laba kiis oo ku saabsan bixinta warbixin been ah.”

Homeland Security ayaa sidoo kale xaqiijisay in Jamal lagu soo rogay amar kama-dambeys ah oo musaafurin ah sanadkii 2011, hase yeeshee aan markaas laga saarin dalka.

Diiwaannada maxkamaddu waxay caddeynayaan in Cumar Jamaal sannadkii 2005-tii lagu helay dembi ku saabsan wax isdaba marin dhinaca socdaalka ah, xilligaas oo uu ku sugnaa gobolka Tennessee. Waxaa lagu xukumay hal sano oo kormeer shuruudeysan ah (probation), iyadoo amarka maxkamaddu uu dhigayay in loo gudbiyo hay’adaha socdaalka ee federaalka si looga baaraandego in la tarxiili karo.

Racfaan uu ka qaatay xukunkaas waa laga diiday, balse wuxuu sii degganaa dalka Mareykanka.

Qareenka u doodaya Jamal, Abdiqani Jabane, ayaa sheegay in Jamal hadda lagu hayo xabsiga degmada Freeborn ee magaalada Albert Lea, Minnesota.

“Mr. Jamal waxa uu tobannaan sano u hibeeyay adeega bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota iyo dhisidda kalsooni wada shaqeyn oo u dhaxeysa bulshada iyo laamaha amniga. Waxaan la xiriirnaa ICE, waxaana adeegsan doonaa dhammaan dariiqyada sharciga ah ee ilaalinaya xuquuqdiisa iyo sidii loo sii dayn lahaa,” ayuu ku yiri Jabane warsaxaafadeed uu soo saaray.

Xafiiska Sheriff-ka ee degmada Ramsey ayaa u sheegay FOX 9 in Jamal uu ku biiray waaxda amniga sanadkii 2020 isaga oo u shaqeynayay sidii qof rayid ah oo ka tirsan qeybta adeegga bulshada (Community Service Officer).

Xafiisku waxa uu intaas ku daray in Jamal uu “door muhiim ah ka qaatay xiriirinta bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota, taas oo ah tan ugu weyn dalka oo dhan. Shaqadaasna si heer sare ah ayuu u gudanayay.”

Cumar Jamaal, oo 52 jir ah, ayaa dalka Mareykanka soo galay in ka badan 20 sano ka hor isagoo qaxooti ahaan uga soo cararay abaarihii iyo dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, wuxuuna tan iyo xilligaas ahaa waji caan ka ah jaaliyadda Soomaalida ee Minnesota.

Markii uu yimid Minnesota, Jamaal wuxuu ku soo shaac baxay jagada agaasimaha fulinta ee Xarunta U doodista Caddaaladda Soomaalida (Somali Justice Advocacy Center), oo ah urur aan macaash doon ahayn oo ujeeddadiisu ahayd inuu Soomaalida ka kaalmeeyo hannaanka sharciga ee dalka.

Wuxuu noqday shakhsi ay joogto u ahaayeen warbaahinta maxalliga ahi, isagoo ka faalloon jiray mowduucyo xasaasi ah sida toogashooyinka ay boolisku geystaan iyo baaritaannada argagixisada ee heer federaal.

Inkastoo qaar ka tirsan jaaliyadda ay su’aal gelin jireen inuu matalo iyo in kale, Cumar Jamaal wuxuu marar badan ku adkeystay in howshiisu ay tahay oo keliya inuu gacan siiyo dadka la daalaa dhacaya arrimaha socdaalka ama laamaha sharciga.

- Advertisement -

Read more

Local News