27.4 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Maamulka Waqooyi Bari iyo shirkadaha isgaarsiinta oo ay ka dhex tafatay

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya iyo shirkahada isgaarsiinta ee ka shaqeeya deegaannada maamulkaasi ayaa isku qabtay arimaha canshuurta, iyadoo khilaafka u dhexeeya labada dhinac uu banaanka usoo baxay.

Warqad kasoo baxday wasaaradda maaliyadda Waqooyi Bari ayaa waxaa lagu sheegay in qaar kamid shirkadaha waa wayn iyo bangiyada ka howlgala deegaanka ay si cad uga biyo diideen inay bixiyaan lacagaha cashuuraha ee ku waajibay, kadib qoraallo loo diray.

Wasaaradda ayaa sheegtay in shirkaduhu ay gabi ahaan diideen inay la shaqeeyaan dowladda cusub, si horay loogu wado maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu xusay in laga soo bilaabo Janaayo 2024 ilaa bishii dhammaatay ee Sebteembar 2025 ay wasaaraddu si isdaba joog ah shirkadaha ugu gudbisay waraaqo iyo amarro culus, balse ay ka dhaga fureysteen inay kasoo jawaabaan fariimaha la gaarsiiyay.

“Qaar kamid ah shirkadahaa ka howlgala Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa waxa ay cadaysteen inay si badheedh ah u diidaan bixinta canshuuraha ku waajibtay iyo ka qayb qaadashada dawlad dhiska” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale shirkaha lagu eedeeyay marin habaabin bulsho iyo inay ku kaceen “abaabul kooxaysan iyo isutag aan sharci ahayn, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda.

Shirkadaha sameeyay amar diidada ayaa sidoo kale lagu amray in deg-deg uga soo jawaabaan warqadaha la gaarsiiyay, ayna bixiyaan canshuurta maamulka.

“Haddaba waxaa la farayaa shirkadahaas in shirkad kasta si gooni ah uga soo jawaabto codsiyadii isdaba joogga ahaa ee lagu amray la shaqeynta dowladda” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Indhowaanahan ayay taagneyd dooda labada dhinac, waxaana todobaadkii hore shirkadaha ka jira deegaanka ay cambaaeeyeen xayiraad iyo xiritaan lagu sameeyay qaar kamid ah laamihii ay ku lahaayeen gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

- Advertisement -

Read more

Local News