Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Mohamed Ali Nuur (Americo), ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, iyadoo uu kulankaasi uu goob-joog ka ahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee Dekedda Muqdisho iyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada dekedda. Maareeyaha ayaa uga warbixiyay Ra’iisul Wasaaraha shaqooyinka socda iyo qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyada dekedda, isagoo uga mahadceliyay dhagaysiga iyo taageerada joogtada ah ee uu muujiyay Ra’iisul Wasaaruhu.
Amb. Mohamed Ali Nuur (Americo) ayaa sheegay in shirka lagu falanqeeyay arrimo ay ka mid yihiin horumarka iyo dadaalka ballaaran ee ay wadaan maamulka iyo shaqaalaha Dekedda Muqdisho, kuwaas oo horseeday guulo la taaban karo.
Dhankiisa, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha Dekedda Muqdisho, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen kaalinta koowaad ee dekedaha Bariga Afrika iyo kaalinta afraad ee dekedaha ugu horumarsan Qaaradda Afrika.
“Guushan waxay astaan u tahay dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo adeegyada Dekedda Muqdisho iyo doorka muhiimka ah ee ay ku leedahay kobaca dhaqaalaha dalka,” ayuu yiri Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Mohamed Ali Nuur (Americo).
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu dambeyn u mahadceliyay dhammaan shaqaalaha Dekedda Muqdisho oo si wadajir ah u horseeday natiijadan lagu faano.
Dekedda Muqdisho ee Soomaaliya ayaa dhowaan lagu qiimeeyay dekedda ugu waxtarka badan Bariga Afrika, sida lagu sheegay Warbixinta Container Port Performance Index (CPPI) 2024 oo ay soo saareen Bangiga Adduunka iyo S&P Global Market Intelligence.
Warbixintu waxay sheegtay in Dekedda Muqdisho ay kaalinta 163-aad ka gashay 407 dekedood oo caalami ah. Sidoo kale, waxay ku jirtaa kaalinta labaad ee Saxaraha Afrika, iyadoo kaalinta koowaad uu haysto Dekedda Dakar ee Senegal.
Dekedda Muqdisho ayaa ka hor martay dekedaha waaweyn ee gobolka sida: Dekedda Dar es Salaam (kaalinta 360-aad), Dekedda Jabuuti, kaalinta 364-aad, Dekedda Mombasa (kaalinta 375aad)
Qiimeynta ayaa lagu saleeyay waqtiga ay maraakiibtu ku qaataan dekedda — laga bilaabo marka ay ku sugnaadaan biyo-fadhiga ilaa inta ay ku jiraan marsada (berth), taas oo cabbiraysa waxtarka adeegyada dekedda.
Cabdixakiim Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya
📞 +254 711 830 393
✉️ [email protected]