MAAREEYE oo shaaciyey cidda ka dambeysay kala jabkii guddiga doorashada xildhibaanada waqooyi

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka cusub ee ka dhex qarxay garabyada guddiga doorashooyinka Somaliland.

Maareeye oo kamid ah garabka Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi ayaa waxa uu sheegay in kala jabkii guddiga Somaliland uu ka dambeeyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal.

Waxa kale oo uu ku eedeyay Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada federaalka inuu hareer maray nidaamkii Heshiiskii doorashada ee uu gar-wadeenka ka ahaa ra’iisal wasaare Rooble.

“Heshiiski 27-kii May waxaa ku qornaa in ra’iisal wasaaraha uu hagayo doorashada Somaliland isaga oo la tashanaya guddoomiyaha aqalka sarre iyo ra’iisal wasaare ku-xigeenka, balse uu Ciro labo jeer isku dayey in doorasho u qabtaan guddiga Somaliland, ayada oo doorasho hal dhinac ah uu 10-kii bisha u qabtay dhinicii ay dowladda keentay ee uu soo magacaabay Mahdi Guuleed,” ayuu yiri Maareeye.

“Arrintaas ayaa keentay in guddigii kalena uu doorto guddoon oo ilaa hadda saas u kala jaban yihiin, labada guddi waxaa la joogay xubno kamid ah guddiga qaran, taasi oo cadeynaysa in Ciro uusan hanan karin guddigiisa, si cadaalad ahna u qaban karin howl.”

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya ayaa ugu dambeyntiina sheegay in khilaafka iyo kala jabka Guddiga doorashada Somaliland la isku afgartay in kulamo laga yeesho, ayada oo bogaga guddiga qaran laga saarayo in guddoon la doortay, taasi oo aan weli dhicin sida uu sheegay.