25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Macawiisleyda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab – Maxaa dhacay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Mahadaay (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay shalay ciidamada xaq-u-dirirka deegaanka ka fuliyeen dhulka howdka ee deegaanka Ciid-ciidka, halkaas oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Ciidamada Macawiisleyda ayaa weerar culus ku qaaday goob fariisin u aheyd maleeshiyaadka Khawaarijta, kadibna waxaa halkaas ka dhacay dagaal toos ah.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in jab culus ay gaarsiiyeen Al-Shabaab, isla markaana ay la wareegeen goobta lagu dagaalamay.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku daray in 4 kamid ah xubnaha Al-Shabaab ay ku dileen weerarka, ayna kasoo furteen hubka ay wateen.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in maydadka ay horay ula sii carareen Al-Shabaab, isla markaana ay geeyeen deegaanka Cali Foodheere oo isna hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa dhulka howdka ah oo ay weli isku horfadhiyaan Macawiisleyda iyo Al-Shabaab.

Aagga Ciid-ciidka ayaa ah dhul ballaaran oo Shabaab horay looga saaray, balse ay haatan dib ugu soo laabteen, kadib culeyska ay soo saareen deegaannada HirShabelle.

Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo qorsheynaya inay dib ugu laabtaan deegaannadii ugu dambeeyay ee ay dib uga soo baxeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhankeeda dhaq-dhaqaaqyo culus wadda, waxaana ay isku fidineysaa dhul ballaaran oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, waxaana dowladda dhexe ay waddaa abaabul ay ku dooneyso inay uga hortegto culeyska ay Al-Shabaab soo saartay deegaannada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

- Advertisement -

Read more

Local News