Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada Macawiisleyda ka fuliyeen aagga deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka oo aad loo qorsheeyay ayaa lagu beegsaday fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Dhurwaale, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda.
Saraakiisha howlgalka sameeyay ayaa sheegay inay dileen lix kamid ahaa Al-Shabaabkii ku sugnaa deegaanka la weeraray, sidoo kalena ay ka furteen hub iyo saanad ciidan.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in howlgalkan guuleystay ay qorsheynayeen in muddo ah, isla markaana uu noqday mid u dhacay sidii ay ugu talo galeen.
Hiiraan ayaa waxaa ka socda guluf culus oo ka dhan ah argagixisada, waxaana lasoo wariyay in ciidamo badan oo gurmad ah ay haatan gaareen degmada Maxaas ee gobolkaasi.
Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka yimid magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan, waxayna ku biireen abaabulka ka socda Maxaas ee ka dhanka ah Al-Shabaab.
Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya kolonyo gaadiid dagaal ah oo gudaha u galaya magaalada, iyadoo dadweynuhu ay daawanayaan, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda Xawaadle.
Ujeedka ciidamadan gurmadka ah ee tegay furimaha dagaalka ayaa ah inay xoojiyaan ciidamadii horay u joogay halkaasi, waxayna qayb ka noqon doonaan howlgalka la qorsheynayo in dib loogu degmada Moqokori oo muddo todobaad ah ay haystaan Shabaab.
Degmada Maxaas oo ku taalla bartamaha gobolka Hiiraan ayaa noqotay meel istiraatiiji ah oo laga dardar galiyo dadagaalka Khawaarijta, waxaana haatan ku sugan madax heer gobol iyo federaal oo kulamo la yeelanaya qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saraakiisha ciidanka.
Si kastaba, abaabulka hadda socda ayaa kusoo aadayo, iyada oo hadal-hayn xoogan iyo falcelin aan caadi ahayn ay ka dhalatalay qabsashada degmada Moqokori oo muddo dheer ay difaacayeen Macawiisleyda Xawaadle, taas oo ugu dambeyn u gacan gashay cadowga.