27.3 C
Mogadishu
Monday, June 9, 2025

Macawiisleyda beesha Xawaadle oo caawa Aboorey ku weerartay Al-Shabaab

Bookmark
Bookmarked

Share

Buuloburde (Caasimada Online) –Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa caawa weerar culus ku qaaday  dhagarqabayaal ka tirsan Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey ee gobolkaas.

Howlgalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada difaaca deegaanka ay ka war heleen  Khawaarijta isku aruursanaysa aagga Aboorey, waxay halkaas ku qaadeen weerar cashir loogu dhigay Khawaarijta, khasaare xooggana lagu gaarsiiyey.

Saraakiisha howlgalka hogaaminaysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay Khawaarijta gaarsiiyeen, isla markaana howlgalkaas uu u dhacay sidii ay u qorsheeyeen.

Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa gacanta ku haya goobtii uu ka dhacay howlgalkaas ee Khawaarijta lagu laayey caawa, sida ay saraakiishu noo xaqiijiyeen.

Ciidamada Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay sidaan oo kale weerar ugu qaaday Khawaarij isku aruursatay inta u dhaxaysa deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan-yabaal, waxayna halkaas Shabaab-ka uga dileen maleeshiyaad badan.

Howlgalkii xalay ayaa looga hor tagay dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed, kooxda Al-Shabaab ayaa markaan u soo jeesatay inay beegsato reer Hiiraan, maadaama ay qabsatay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Arbacadii lasoo dhaafay ayey kooxda Al-Shabaab qabsatay degmada Aadan-yabaal, waxaana cabsi badan laga qabaa inay weeraraan deegaano kale, kooxda ayaa toddobaadyadii iyo bilihii lasoo dhaafay weerarrada qaadeysay inta badan maalinta Arbacada ah.

- Advertisement -

Read more

Local News