25.4 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Madaafiic ku dhacday Gaalkacyo iyo rasaas Goos goos ah oo laga maqlay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in tiro madaafiic ah xalay ku dhacday xaafado kamid ah magaalada.

Madaafiic oo ay isweydaarsadeen labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa ku dhacday xaafado kamid ah magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Dhowr madaafiicda kamid ah ayaa waxay ku dhaceen xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana kadib xigay madaafiic kale oo ku dhacday xaafada Baraxleey ee magaalada Gaalkacyo.

Xaafadaha qaar ee magaalada Gaalkacyo ayaa marar qaar waxaa laga maqlayaa rasaas goosgoos ah oo labada dhinac isweydaarsanayaan.

Arintaan ayaa jibineysa hishiiskii dhawaan ka dhacay magaalada Dubai ee Isku taga Imaaraatka Carabta.

Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa wali isku horfadhiya Galbeedka Magaalada Gaalkacyo , mana jirto tilaabo lagu kala qaadaayo ciidanka  oo ay qaadeen maamulada Puntland iyo Galmudug.

- Advertisement -

Read more

Local News