25.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

MADAALE oo ka hor-yimid muddo kororsi loo sameeyo DF

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo wareysi gaar ah siiyay Somali Cable Tv ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Yuusuf Madaale ayaa marka hore si adag uga horyimid muddo kororsi loo sameeyay hay’adaha Dowladda Federaalka, wuxuuna sheegay in arrintaasn ay keeneyso dib u dhac iyo khilaafaad siyaasadeed oo horleh.

Sidoo kale wuxuu ku taliyay in hadda lasii bilaabo shaqada, isla markaana waqtiga la qorsheeyo waqtiga ugu dhow ee ay ku dhici karti doorasho  guud.

“Anigu muddo kororsi sidiisaba horay uma aaminsaneen, haddana ma aaminsani, waana kasoo horjeedaa, laakiin iyadoo shaqada lagu jiro inuu waqti qaato waa dhici kartaa” ayuu yiri guddoomiyihii hore Yuusuf Madaale.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday muranka ka taagan nooca doorashada ee uu dalka aadayo, isaga oo sheegay in muhiim tahay in laga gudbo doorasho dadban, isla markaana la aado qof iyo cod ama mid kale oo heshiis lagu yahay.

“Doorashada weli waayay waxaa hadda socota tan golaha deegaanka midna waa tii Federaalka iyo tan dowlad-goboleedyada in laga heshiiyo culeys badan kama jiro, laakiin nin kasta oo siyaasi ah wuxuu ku qanacsan yahay tii hore oo 2022 dhacday iyo 2021 in aan loo laaban” ayuu yiri mar kale Madaale.

Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday gogosha uu dhigay madaxweynaha ee looga hadlayo xaaladda dalka iyo waxyaabaha laga filan karo.

“Gogosha taalla inta la wada fariisto ayaa meesha ay wax joogeen laga hadli karaa ama wixii hore oo socda la’isku waafaqi karaa ama wax kale ayaa laga hadli karaa, laakiin hadda kama hadli karno goshahaas maxaa kasoo bixi doono?. ayuu sii raaciyay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan is mari-waaga uu ka taagan Doorashada dalka iyo wax ka beddelka Dastuurka oo weli waddo Villa Somalia.

- Advertisement -

Read more

Local News