Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta xarunta aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay safiirka jamguuriyada Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi.
Kulankaan oo ay goobjoog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir iyo taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa looga hadlay arrinta ay kamid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardar-galinta mashaariicda ay dowladda Talyaaniga uga qeyb-qaadaneyso horumarinta caasimadda, gaar ahaan dib udhiska kaabayaasha dhaqaalaha.
Duqa magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Safiirka Talyaaniga Mr. Alberto Vecchi ayaa intaas kormeer socod ah ku tagay dhismaha xarunta Kaasa Itaaliya ee degmada Xamar Weyne oo dhawaan ay soo codsatay Safaarada Dowladda Talyaaniga oo milkiyada dhulkaasi iyagu lahaa.
Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir uga mahadceliyay sida uu uga jawaabay codsigoodii ahaa in loo banneeyo dhismaha Casa Italia ee degmada Xamar Weyne.
Safiirka ayaa dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu mahad-celiyay soo celinta dhismaha Casa Italia, wuxuuna sheegay in tani ay ka tarjumayso sare u qaadidda xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya labada dal.
Si kastaba, dhulka uu ku yaallo dhismaha Casa Italia ayaa tan iyo burburkii wuxuu gacanta ugu jiray muwaaddiniin Soomaaliyeed, halkaasi oo ay ku yaalleen goobo ganacsi oo kala duwan.