Madaale oo dhaqaajinaya doorasho qof iyo cod – Muxuu sameeyay maanta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa caasimada ka wada ololaha doorasho qof iyo cod, kaas oo qorshaheeda wado dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaale ayaa maanta kulan la qaatay hogaanada ururka dhalinyaradda gobolka Banaadir oo uu hogaaminayo guddoomiyaha ururka dhalinyarada Cumar Cabdiraxmaan Macow.

Kulankan oo uu goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Maxamed Yabooh ayaa wuxuu guddoomiyaha uga hadlay arrimo ay kamid yihiin nidaamka doorasho ee la rabo in shacabka reer Muqdisho ay kusoo doortaan hoggaankooda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Madaale ayaa dhalinyarada u sheegay inay isku diyaariyaan doorashooyinka tooska ah ee xukuumadda federaalka dooneyso inay dalka ka hirgeliso, si gaar ahaan gobolka Banaadir.

Intii uu kulanka socday waxaa warbixin sanadeed lagaa dhageystay hogaanada ururka dhalinyarada degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoona soo bandhigay waxqabadka sanadka sii dhamaanaya ee 2024, caqabadaha iyo qorshayaasha u dagsan sanadka soo socda ee 2025.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ugu dambeyntiina wuxuu kula dar-daarmay hogaanka dhalinyarada gobolka Banaadir in ay dar-dargeliyaan ka qeyb qaadasha nabadda, horumarka iyo dowlad-dhiska.

Madaale ayaa muddooyinkii dambe taageero bulsho u raadinayay qorshaha doorasho ee diidan yihiin mucaaradka, isagoo maalmo kahor magaalada Muqdisho iskugu soo saaray boqolaal kamid ah bulshada caasimada, si loo taageero hanaanka doorasho qof iyo qof oo haatan uu ansixintiisa wado baarlamaanka Soomaaliya.