Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa go’aan ku gaaray islamarkaana ku amray guddiga xalinta khilaafaadka in dib loogu laabto oo beeritaan dheeri ah lagu sameeyo 11 kursi oo ka tirsan Aqalka Hoose oo guddiga uu horey u laalay.
War-murtiyeed kasoo baxay Madasha ayaa lagu sheegay in sababta dib loogu laabanayo kuraasta muranka uu ka taagan yahay ay tahay kadib markii Madasha ay macluumaad dheeri ah oo horey uga maqnaa ay siisay guddiga xalinta khilaafaadka.
Hoos ka aqriso qodobka ka hadlaya arrintan ee ku jiray war-murtiyeedka kasoo baxay Madasha:-
3. Dhageysiga warbaxinnada GXKHDD.
3.1 MHQ waxay GXKHDD ka dhegeeysatay xog waran tifaftiran kuna saabsanaa 22 kursi ooy dacwadahooda aay dhageysteen dacwooyinkaas oo mid mid MHQ iyo Xubnaha Guddiga si qooto dheer isaga xog wareysteen isuna falanqeeyeen.
3.2 Guddiga waxa ay madasha u sheegeen 11 ka mid ah kuraasta muranka ka taagnaa ay dib u falanqeeyeen xalna ka gaareen, oo hadda ay fasaxeen, 11ka kalena ay go’aamiyeen in doorasho dib loogu celiyo.
3.3 MHQ iyo Guddiga waxay markaas ka dib wadajir uga baaraangdegeen nuxurka dacwooyinka 11 ka kursi guddigu dib u celiyey. Isu xogwaran ka dib Madashu:
a. Waxaa u soo ifbaxay xowliga degdegga ah ay ku socoto hirgelinta doorashada in dhageysiga iyo ka gungaaridda dacwadaha guddigu u helin muddo ku filan oo waqti xadidan lagu dhameystirayo;
b. Waxa soo ifbaxay in haddii Guddigu haysan lahaa xogta iyo macluumadka dheeriga ah ee lagu helay iswareysiga MHQ iyo guddigu is dhaafsadeen in go’aanka guddigu uu ka duwanaan lahaa midka ay hadda gaareen.
c. Waxaa si cad u muuqatay in marxaladda go’aan ka gaarista guddigu la tixgelenin xaaladaha amniga, siyaasadda ku xeernaa kursi kasta iyo duruufaha degaan-doorasho walba u gaarka ahaa.
d. Waxa iyana jirta in go’aanada iyo qaabka go’aan gaaridda guddiyada dooroshooyinka dadban ay ku kala duwan yihiin.
3.4 Haddaba, Madashu:
a. Ayaadoo tixgelisay macluumaadka dheeriga ah ee kor ku xusan haddii guddigu haysan lahaa u gaari lahaa go’aan ka duwan midka ay kursiga dib ugu celiyeen;
b. Garwaaqsatay in ay danta ku jirto in la yareeyo khilaaf iyo is qabqabsi hor leh ka dhalan kara ku noqoshada naatijada doorashada;
c. Tixgelisay daruufihii adkaa ee doorashada loo soo maray iyo in la dhowraariyo guuliha qaranka ka gaaray doorashooyinka 2016ka ee laga fuliyey dalka;
d. Fiiro gaar ah u yeelatay dhibaatada guud ee ku iman karta, dib u dhac iyo xasilooni darro ku timaada habsami u socodka dhameystiridda doorashooyinka qaran.
3.5 Sidaas daaraadeed MHQ waxay guddomisay
a. In in kuraasta muranka gashay oo Guddiga Xallinta Khilaaftka Doorashooyinka hakiyey uu isla guddigan dib-u-eegis ku sameeyo ayadoo gundhig iyo qaddarin looga dhigayo macluumaadkii dheeriga ahaa ee kusoo ifbaxay xog-is-dhaafsigii iyo isu xog-warrankii dhexmaray xubnaha Madasha iyo xubnaha Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka;
b. In dhammaan musharrixiintii Guddiyada doorashooyinku ka hakiyeen xaqa siyaasadeed ee ka qaybgelidda doorashooyinka waa laga cafiyey hakinta xuquuqdooda siyaasadeed oo way ka qaybgeli karaan tartanka doorashooyinka;
c. Guddiyada Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka waxaa laga codsanaya in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtogalka usoo dhamaystiraan hawlaha doorashoyinka weli ka dhiman oo mid walba hor yaal.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

