Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa si deg deg ah loogu qaaday magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia kadib markii ay u yeertay dowladda Ethiopia.
Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cali Cabdullaahi Cosoble ay diyaarad ay Ethiopia soo dirtay ka qaaday garoonka Muqdisho.
Madaxdaas ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Addis-Ababa, waxaana gadaal kaga biiri doona Cabdi Weli Gaas iyo Axmed Madoobe, sida aan xogta ku helnay.
Wararka ayaa sheegaya in madaxda maamul goboleedyada lagala hadli doono arrimo la xiriira doorashooyinka daba dheeraaday ee Soomaaliya, ayada oo la filayo in lasoo siiyo amaro ku saabsan wixii ay sameyn lahaayeen.
Arrintan ayaa imaneysa ayada oo shirka Madasha ee Muqdisho uu daba dheeraaday la iskuna mari waayey.
Waxaa sidoo kale jira khilaaf xooggan oo u dhaxeeya xubnaha madasha iyo beesha caalamka kuna saabsan xildhibaanada la diiday in la ansixiyo oo xubnaha madasha ay doonayana in lagu soo daro baarlamanka, beesha caalamkana ay diidan tahay.
Lama yaqaan hadidi beesha caalamka ay ka dambeyso in Ethiopia ay u yeerto madaxda Soomaalida iyo in kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]