25.7 C
Mogadishu
Thursday, November 20, 2025

Madaxa shabakad haweenka ka ganacsata oo lagu xiray…

Bookmark
Bookmarked

Share

Dubai (Caasimada Online) – Charles Abbey Mwesigwa ayaa lagu xiray magaalada Dubai, oo dhawaan la kashifay inuu hoggaamiyo shabakad sharci-darro ah oo haweenka ku tacaddiya.

Baaritaano ay sameysay BBC-da ayaa daaha ka rogay in Mwesigwa oo aha muwaadin u dhashay Uganda uu gabdho badan oo dalkaasi kasoo jeeda uu si been ah ugu dhoofin jiray dalka dibaddiisa.

Ninkan ayaa la sheegay inuu ku qancin jiray haweenka safarro shaqo oo uu ku sheegay inay ka howl-galayaan huteello iyo dukaamo, balse markii ay gaaraan Dubai lagu qasbi jiray inay u adeegaan macaamiisha galmo sharci-darro ah, sida ay baahisay BBC Africa Eye.

Wariye BBC-da oo isu ekaysiiyay macmiil ayaa sheegay in Mwesigwa uu ku tilmaamay qiimaha haweenka in uu ka bilaabmo $1,000, isaga oo ku faanay in gabdhahaasi sameyn karaan “wax kasta” oo lagu amro.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ninkan lagu hayo xabsiga dhexe ee Al Awir, iyadoo weli aan si rasmi ah loo shaacin dacwadaha lagu soo oogay. Xarigiisa ayaa waxaa fuliyay booliska Interpol kadib amar kasoo baxay qaybtooda Uganda.

Qunsuliyadda Uganda ee Abu Dhabi ayaa hore u xaqiijisay in baaritaanno socdaan, kuwaas oo ku saabsan kiisaska lala xiriiriyay tahriibinta iyo xad-gudubka haweenka.

Warbixinta baaris ee BBC Africa Eye ay baahisay ayaa sidoo kale soo bandhigtay in falal aad u xanuun lagu khasbi jiray gabdhahaan sida beenta ah looga dhoofin jiray dalka Uganda.

Mwesigwa dhankiisa waxa uu ku dooday in uusan wax dambi ah gelin, balse uu haweenka ka caawin jiray arrimaha guryaha iyo xiriirada bulshada. Si kastaba, laba haween oo lala xiriiriyay shabakaddiisa ayaa geeriyooday kadib markii ay kasoo dhaceen dhismayaal dhaadheer, iyadoo ehelkoodu dalbadeen in si qoto dheer loo baaro kiiskooda.

Gabdho kale oo goobtaas ka shaqeeya ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in labada marxuum si ula kac ah looga tuuray dabaqyada markii ay ka horyimaadeen falalka qaar oo lagu qasbay.

Kiiskan ayaa gilgilay gudaha Uganda, iyadoo baarlamaanka iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan ay ku sifeeyeen “arrin argagax leh”, isla markaana ballanqaaday in si dhow ula shaqayn doonaan booliska Imaaraadka iyo Interpol si cadaalad loo horgeeyo shaqsiyaadka shabakadan maafiyada ah ku lugta leh.

- Advertisement -

Read more

Local News