26 C
Mogadishu
Tuesday, October 21, 2025

Madaxda caalamka oo qalinka ku duugay nabad waarta oo Gaza ka dhacda

Bookmark
Bookmarked

Share

Sharma el-Sheikh (Caasimada Online) – Hoggaamiyaasha caalamka ayaa caawa qalinka ku duugey Nabad-waarta oo Gaza ka dhacda, taasi oo uu soo jeediyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Heshiiskan ayaa wajigiisa koowaad uu maanta bilowday dhaqan-galkiisa, iyadoo Trump inta lagu jirey sawir kooxeedka hoggaamiyeyaasha ka qeybgalay shirka nabadda Gaza uu yiri: “Dhammaantiin dhoola caddeeya, waanu saxiixnay heshiis weyn.

Sidoo kale isla maanta waxaa la xaqiijiyay wajiga labaad ee heshiiska wada-xaajoodkiisa, iyadoo oo ay ku jiraan qodobbo xasaasi, sida mustaqbalka Gaza, hub ka dhigista Xamaas, u dirista Gaza ciidan ka socda dalal dhowr ah iyo arrimo kale.

Tan ayaa imaneysa xilli ay dalalka Carabta ku guul-darraysteen in ay u hiiliyaan Falastiin oo gashay dagaalkii ugu adkaa laba sanno.

Heshiiskan ayaa ahaa mid taariikhi ah, iyadoo wargeyska Israel Hayom uu ku warramay in Netanyahu uu si weyn ugu xiiso qabay ka qeybgalka shirka nabadda Qasa ee Sharma el-Sheikh.

Si kastaba, heshiiskan nabadeed ee caawa la saxiixay ayaa ka dhigan dhammaadka rasmiga ah ee dagaalka, iyadoo Gaza ay sanado adag soo martay, ayna dadkeedu muujiyeen adkeysi u horseeday guul taariikhi.

Arrimahan ayaa imanaya xilli loo dhaqaaqay dhaqan-gelinta heshiiska Xamaas iyo Israa’iil, isla markaana ay kooxda Xamaas sii daysay qeybtii ugu horeysay maxaabiista Israa’iil oo ay ku wareejisay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah.

Illaa 7 maxbuus ayaa la daayay, kuwaas oo hadda kusii jeeda Israa’iil, waxaana haatan socda qorshe ay qeybta labaad ee maxaabiista Xamaas sii deyneyso, iyada oo lagu wareejinayo Laanqeyrta Cas.

Waxaa kale oo dhankeeda Israa’iil ay sii deyneysaa ilaa 1966 maxaabiis oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xukunnaa xabsi daa’iin, waxaana magaalada Daanta Galbeed iyo sido kale Marinka Gaza ka dhacay xaflado lagu soo dhaweynayo maxaabiista.

Ragga muhiimka ee lasoo daynayo waxaa kamid ah Naji al-Jafrawi oo la dhashay suxufigii Saleh al-Jafrawi oo shalay ay dileen kooxo hubeysan oo xiriir dhow la leh Israa’iil, iyada oo ujeedka uu yahay in qoyska reer Jafrawi ay helaan beddelka wiilkooda geeriyooday, sida ay werisey Quds News.

Sidoo kale, reer Gaza oo soo dhaweyn doono ku dhawaad labo kun oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xabsi daa’in ay ku xukuntay Israa’iil oo qasab loo soo furtay, kuwaas oo lagu beddelanayo 20 Israa’iiliyiin ah.

- Advertisement -

Read more

Local News