25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Madaxda Kenya oo laga dalbaday inay ciidamadooda Somalia kala baxaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) Xubnaha Xisbiga Jubbilee ee ka dhisan dalka Kenya ayaa weydiistay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata in Ciidamada Difaaca Kenya laga soo saaro Soomaaliya,ka dib markii Maxkamada ICC ay ka biyo diiday inay dib u dhigto Dacwada Madaxweynaha dalka Kenya Mr Kenyata

Hogaamiyaasha Xisbigaasi ayaa Uhuru Kenyata iyo Ku xigeenkiisa  waxay ugu baaqeen in sida ugu dhaqsiyaha badan dhamaan Ciidamada Kenya Magaca AMISOM kaga howlgala Soomaaliya laga saaro iyagoona dib loogu celinayo dalkooda.

Warkaan ayaa wax ka Qoray Wargesyka The Star ee ka soo baxa dalkaasi Kenya, Tharaka Nithi iyo Xildhibaan Kithure Kindiki ayaa sheegay Xilli ay ka hadlayeen arinta Dacwada ah ee Madaxda Kenya kaga socoto Magaalada Heeg ee dalka Netharland in Dhamaan Ciidamada Kenya ee Magaca Qaramada Midoobay kaga howlgalka qaar ka mid ah wadamada Africa oo Soomaaliya ka mid ah dib looga saaro,iyadoo laga jawaabayo hadal Maxkamada ICC ka soo baxay oo ku aadana inaan dib loo dhigeyn Dacwada Uhuru Kenyata.

“ Waxaan Qaadeynaa Kiisas ka dhan ah Qaramada Midoobay,maxaa yeelay Kenya  waxaa quseeya amaanka wadamada Soomaaliya iyo Comgo iyo kuwo kale oo badan,laakiin wax qatarin ah ma jirto ayuu sheegeen Xubnaha ka tirsan Xisbiga Jubilee ee Kenya.

Waxay si adag ugu baaqeen Labada Mas’uul ee Uhuru iyo Ruto in Ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya,islamarkaana ha xaliso Qaramada Midoobay Xaalada Soomaaliya ayay hadalkooda sii raaciyeen.

Sidoo kale,Mas’uuliyiintaJubilee ayaa Dowlada ka dabaday in Lix bilood gudahooda lagu xero xeryaha Qaxootiga ee ku yaalo dalka Kenya,Soomaalida halkaasina ku dhaqan dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Waxay ka digeen inay sii jiraan Xeryahaha Qaxootiga Kenya ee Dhadhaab,iyagoo ka qeyb dhigay amaandarida ka jirta dalka Kenya.

 Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News