Madaxii Ajaaniibta ee Al-Shabaab iyo saraakiil kale oo duqeyn lagu khaarijiyey

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah faafhino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab.

Duqeymaha oo ahaa kuw ais xig-xigay ayaa ka dhacay degmooyinka Jamaame iyo Jilib oo kala kala tirsan labadaasi gobol, iyadoo lala beegsaday saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo faah faahin ka bixiyey weeraraan ayaa sheegay in lagu dilay sarkaalkii madaxda u ahaa Ajaanibta kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay magaciisa ku soo koobeen Sheekh Thaabit iyo saraakiil kale oo la socotay.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyada oo lala eegtay 3 goobood oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, balse ma cadda khasaaraha.

Sidoo kale duqeynta labaad ayaa iyana laga fuliyey gudaha degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in dhowr gantaal lagu dhuftay saldhig ay ku sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, xilli la sheegay inay qorsheynayeen in ay weerar ku soo qaadeen deegaanka Baarsanguuni ee gobolkaasi.

Sida ay sheegeen saraakiisha u hadashay dowladda Soomaaliya waxaa weerarkaasi lagu burburiyey illaa 7 gaari oo nooca dagaalka ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Muddooyinkii u dambeeyey waxaa sii kordhayye duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka dhacaya koonfura iyo bartmaha Soomaaliya.