Jabuuti (Caasimada Online) – Xukuumada Jabuuti ayaa ku dhawaaqday cida ku guuleysatay doorashooyinkii ka dhacay Dalka Jabuuti oo ay ku tartamayeen inka badan afar xisbi, waxaana la shaaciyay cidda ku guuleysatay doorashooyinka dhacay.
Xukuumada ayaa shaaciyay in madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele markale loo doortay madaxweynaha dalka Jabuuti, waxaana uu celay codad badan.
Wasaarada arimaha gudaha ee Jabuuti ayaa shaacisay in Ismaaciil Cumar Geele uu helay ku dhawaad 86.68 % codka la dhiibtay, waxaana uu sidaasi ku noqday madaxweynaha Jabuuti markale.
Wareega koowaad ee doorashada ayaa la sheegay in geele uu helay codad badan, taasi oo suuogelisay in loo cadeeyo inuu yahay musharaxa ku guuleystay doorashooyinkii shalay ka dhacay dalka Jabuuti.
Musharaxa kaliya ee kusoo dhow Geele ayaa waxaa uu ahaa Cumar Cilmi.
Ismaaciil Cumar Geele ayaa hayay xilka madaxweyne ee dalkaasi ku dhawaad 17 sano wuxuuna markii afaraad uu ku guuleystay doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Jabuuti
[email protected]