25.2 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Xaaf oo magacaabay Golaha Wasiirada cusub ee maamulkiisa (Akhriso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle ”Xaaf”, ayaa goor dhow magacaabay Golihiisa Wasiirada cusub.

Hogaamiye Xaaf ayaa magacaabay 22 Wasiir, 22 Ku-xigeeno iyo 8 Wasiiru Dowle.

Wasiirada uu magacabay Xaaf ayaa tirro ahaan kabadan Wasiiradii hore ee uu magacaabay Hogaamiyihii hore ee maamulka Cabdikariin Guuleed.

Xaaf ayaa magacaabidiisa Golaha raaciyay in Wasiirada uu kusoo xushay howlkarnimo, waxa uuna rajo ka muujiyay inay si hufan u gudan doonaan shaqooyinka loo igmaday.

Xaaf ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirada ugu badan ee uu magacaabay ay yihiin kuwo horay loo soo arkay shaqooyinkooda, iminkana ay sii laba jibaari doonaan howlaha loo igmaday.

Dhinaca kale, Xaaf ayaa Xildhibaanada maamulka ka dalbaday inay fududeeyan ansixinta Wasiirada cusub si ay usii gutaan waajibaadkooda shaqo.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News