Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/W Xamza oo soo faro-geliyey dhacdadii Boosaaso

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo looga hadlay dhacdadii garoonka magaalada Boosaaso ee sababtay dagaalkii ka dhashay dib usoo celintii xildhibaan Sacdiya Yaasiin.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirradda lagu saaray falkaasi oo dhacay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana ku dhintay in ka badan 10 ruux, kadib iska hor imaad ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka ay goobjoog aheyd guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar, waxaana shirka uu yimid, kadib markii ay madaxdu ku guuleysteen inay baajiyaan shir jaraa’id oo ay qaban laheyd Sacdiya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay xiriir khadka taleefanka ah la sameeyeen madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo haatan safar ugu maqan magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay qaboojinta xiisadda ka dhalatay dhacdadaasi, waxaana la sheegay in Xasan iyo Xamza ay cudur daar ka bixiyeen shaqaaqadaasi.

Waxaa sidoo kale lagu ballamay inuu Saciid Deni ku laabto Garoowe, kadibna uu tegayo madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha midkood, si aysan dhacdadaan u saameyn xiriirka iyo wada-shaqeynta dowlad federaalka iyo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Wada-hadalladan billowday ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ciidamadii dagaalamay ay isku horfadhiyaan Boosaaso, halkaas oo laga dareemayao dhaq-dhaqaaq ciidan.

Si kastaba, xaaladda ayaa shalay kasii dartay markii madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash oo haatan ah ku simaha madaxweynaha uu shaqo joojin ku sameeyey wasiiro ka tirsan maamulkaasi kuwaas oo lala xiriiriyey is hortaagii lagu sameeyey Sacdiya.