Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyay shaqsiyaadka badbaadin kara Soomaaliya

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Madoobe” oo saxaafadda kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa shaaciyay shaqsiyaadka badbaadin kara Dalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe, wuxuu ka hadlay dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay hanaankii dowladinimo ee dalka, isagoo tilmaamay inay jiraan dad Soomaaliyeed oo badbaadin kara dalka.

Isaga oo u muuqday inuu weerarayo hogaanka dalka ayuu sheegay in shaqsiyaad dibadda ka yimid oo heysta Baasaboorada dalal kale aysan badbaadin karin dalka Soomaaliya, maadaama aysan muddo ku nooleyn.

Dadka Badbaadin kara Soomaaliya ayuu shaaciyay inay yihiin dadkii aan dalka ka bixin 30-kii sano ee dalka uu burburka ku jiray, waxaana uu sheegay in Soomaaliya ay hadda ku jirto xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa xaalad adag oo u baahan in loo naxo, waxaa loo baahan yahay in loo turo, waxaa garan kara halkaan ka nimid dadkii dalka joogay, Waxaan oran karaa ma garanayo xaaladda aan joogno qof socoto ku yimid”

“Waxaa loo baahan yahay isu tanaasul, laga odayeeyo dalka iyo xaaladda uu ku jiro, iyadoo la fiirinayo wadanka halka uu ku yimid iyo sidii loo wanaajin lahaa”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalka Madaxweynaha Jubbaland ayaa u muuqday in uu dhaliil uga dhigaayay Madaxda ugu sareysa Soomaaliya oo ah kuwo qurbo joog ah, islamarkaana 30-kii sano ee ugu dambeeyay kunoolaa dalka dibadiisa.

Caaimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com