27.9 C
Mogadishu
Thursday, June 12, 2025

Sawirro: Madaxweynaha oo furay shirka golaha amniga qaranka iyo madaxda maamulada oo soo xaadiray

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa galinkii danbe maanta furay shirka amniga qaranka Soomaaliya, kaasoo ay ka qayb kaleen ra’iisul rasaaraha, ku xigeenkiisa , madaxda dowlad-goboleedka iyo taliyaasha kala duwan ee ciidamada.

Shirkaan ayaa socon doonno mudo labo cisho ah, waxaaan la filayaa iney kasoo baxaan qodobo la isku raacsan yahay oo khuseeya guud ahaan amniga dalka.

Madaxda maamulada dalka ee shirkaan ka qeybgashay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Taabit Cabdi Maxamed, Madaxweynaha Jubbaland Axhmed Madoobe, Koonfur Galbeed Shariif Xasan, Puntland, C/weli Gaas, Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”.

Shirkan ayaa lagu lafo gurayaa qodobo ay kamid yihiin dib u habeynta laamaha amniga, wada shaqeynta hay’adaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo mideynta qorsheyaasha lagu cirib tirayo kooxaha argagixisada ah.

Shirkan ayaa daba socdo shirkii bartamihii bishii Abriil ee sanadkan lagu qabtay Madaxtooyada Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya. shirkaas ayaa looga dhawaaqay Golaha Amniga Qaranka iyo qorsheyaal kale oo ay kamid ahaayeen dib u dhiska ciidamada qalabka sida iyo xoojinta dagaalka lagu jiro kooxaha argagixisada ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News