Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa goordhow lagu soo gabagabeen doonaa shirkii looga hadlaayay arrimaha caafimaadka.
Shirka oo ay ka qaybgalayaan dhakhaatiir iyo xirfadlayaal caafimaad ayaa maalintii Khamiista ka furmay Hotelka City Palasa oo ku yaalla Waqooyiga Muqdisho.
Wariyaha Shabakadda Caasimada Online ee Muqdisho oo ku sugan goobta shirka ayaa soo sheegaya in la filaayo madaxweynaha Soomaaliya uu soo xiro shirka.
Wasiirka adeega bulshadda xukuumadda Soomaaliya Dr. Maryan Qaasim oo goordhow ka hadashay shirka ayaa sheegtay in loo baahan yahay shirkan in ay ka soo baxaan wax yaabo muhiim u ah shacabka Soomaaliya.
Waxa ay sheegtay in adeega caafimaad ee dalka 22-kii sanno ee la soo dhaafay uu aad liitay isla markaana dowooyin dhacay la keenay dalka.
Waxa ay ugu baaqday dhakhaatiirta iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee ka qaybgalay shirkan in loo baahan yahay wax ka qabtaan xaaladda caafimaadka dalka.
Caasimada Online
Xafiika Wararka Muqdisho