27 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Madaxweynaha Somaliland oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta xiisaddii Boorama

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magacaabay guddi ka kooban 23 xubnood, kuwaas oo loo xilsaaray inay baadhitaan ku sameeyaan rabshadihii horaantii bishan ka dhacay magaalada Borama, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada, oo Afhayeenka Madaxweynaha, Xuseen Aadan Cige (Dayr), u akhriyay warbaahinta, ayaa lagu sheegay in marka ay dhacaan dhibaatooyin noocan ah loo baahan yahay in si dhab ah loo kuurgalo, loona sameeyo baadhitaan dhammaystiran, si loo qiimeeyo baaxadda dhacdada, isla markaana xal loogu helo tabashooyinka jira.

“Madaxweynuhu waxa uu maanta go’aamiyay inuu magacaabo guddi heer qaran ah oo leh awoodda iyo masuuliyadda inay baadhaan, qiimeeyaan, isla markaana xukuumadda u soo jeediyaan xalalka ugu habboon ee ka soo baxa baadhista iyo qiimaynta,” ayuu yidhi Dayr.

Afhayeenku waxa uu sheegay in guddidu ku shaqayn doonto oo keliya waxa sharcigu farayo, isla markaana ay ka madaxbannaan tahay saamayn kasta oo ka baxsan waajibaadkeeda. Waxa uu intaas ku daray in marka ay soo gebogabeeyaan baadhista ay xogta ay soo ururiyaan u gudbin doonaan Madaxweynaha.

“Guddidan heer qaran waxay awood u leedahay inay sii magacawdo guddiyo kale oo heer deegaan iyo heer gobol ah, kuwaas oo kala shaqayn doona waajibaadka loo igmaday,” ayuu yidhi Dayr.

Guddidan ayaa ka kooban xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, madax ka socota xisbiyada mucaaradka, xildhibaanno, culimo iyo aqoonyahanno. Waxa kale oo xubno ka ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.

Rabshadihii Borama, oo ay hormuud ka ahaayeen dhallinyaro ka cadhooday munaasibadda Xeer Ciise ee xukuumaddu oggolaatay in lagu qabto Saylac, ayaa sababay dhimashada 19 qof iyo dhaawaca 214 qof, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada ammaanka iyo mudaharaadayaal.

Guddoomiyaha gobolka Awdal, Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa hore u sheegay in 19-ka qof ee dhintay ay 18 ka mid ahi rag ahaayeen, halka mid kalena ay ahayd haweenay. Sidoo kale, waxa uu sheegay in 214-ka qof ee ku dhaawacmay dhacdadaasi ay 194 ka mid ahi ahaayeen dhaawacyo fudud.

Waxa uu intaas ku daray in 22 qof ay weli isbitaalka jiifaan, kuwaas oo 20 ka mid ahi ku sugan yihiin Boorama, halka laba kalena lagu daaweynayo Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in sagaal qof markii hore loo qaaday isbitaallada Hargeysa, balse toddoba ka mid ah xukuumaddu u dirtay Addis Ababa, Itoobiya, si loogu sii daweeyo. Waxa uu tilmaamay in xaaladda guud ee dhaawacyadu ay soo hagaagayso.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, ayaa sheegay in dhacdadii keentay dhimashada iyo dhaawaca aanay ahayn mid si ula kac ah loo qorsheeyay, balse ay ahayd arrin lama filaan ah oo dhalisay khasaare.

Mudaharaadadii Borama ka dhacay ayaa billowday kadib markii xukuumadda Somaliland ay oggolaatay in magaalada Saylac lagu qabto munaasibadda lagu muransan yahay ee Xeer Ciise, taas oo markii dambe la hakiyay.

- Advertisement -

Read more

Local News