New York (Caasimada Online) โ Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa magaalada New York uga qeyb-galay shir heer caalami oo looga hadlayay aqoonsiga dowladnimada Falastiin iyo xaqiijinta xuquuqdooda taariikhiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ammaan u jeediyay dalalka goโaansaday inay aqoonsadaan Falastiin, isagoo ku tilmaamay tallaabadooda mid sax ah oo taariikhi ah.
Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay mowqifkeeda ah inay si buuxda u garab taagan tahay shacabka Falastiin, kuwaas oo wajahaya goโdoomin baniโaadannimo iyo xaalado amni darro oo culus. Dowladda Federaalka ayaa ku baaqday in xal waara oo degdeg ah loo helo dhibaatada ka taagan dhulka Falastiin.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay carrabka ku adkaysay in dhisidda dowlad Falastiini ah oo xooggan ay muhiim u tahay xasilloonida gobolka Bariga Dhexe, isla markaana ay dammaanad qaadaysay difaaca xuquuqda dadka Falastiin oo dhibaatooyin adag ku jira.
Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu xusay in dowladda federaalka ay weligeed taageero la garab taagnayd shacabka Falastiin, ayna kamid ahayd dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin, iyadoo si joogto ah u muujisay taageero ku aaddan dhismaha dowlad madax-bannaan.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujisay mowqifkeeda joogtada ah ee ah garab-istaagga shacabka iyo dowladda Falastiin, iyada oo ka mid ahayd Dowladihii ugu horreeyay ee aqoonsada dowladnimada Falastiin,” ayaa lagu yiri qoraalka.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay dhiirrigelinayso dalalka goโaanka taariikhiga ah ku qaatay aqoonsiga Falastiin, taas oo horseedaysa nabad iyo xasillooni gobolka, isla markaana xaqiijinaysa xuquuqda shacabkan muddada dheer la duudsiyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sanadkan kamid ah xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ku adkaysatay in aan laga aamusin tacaddiyada joogtada ah ee Israaโiil ku hayso shacabka Falastiin.
Waxay ku baaqday in dadaal wadajir ah lagu bixiyo dhismaha dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, caasimaddeeduna noqoto magaalada Qudus.
Ku dhowaad laba sano kaddib markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya Israel iyo Xamaas, waddamo is xigxigay ayaa si rasmi ah u aqoonsaday dowlad Falastiini ah.
Dalka Faransiiska ayaa Isniintii si rasmi ah u aqoonsaday dowladnimada Falastiin, taasoo ah tallaabo uu Madaxweyne Emmanuel Macron ku tilmaamay inay lagama maarmaan u tahay sidii loo heli lahaa nabad waarta. Waxaa sidoo kale la filayaa in dalal kale ay raacaan.
Maalintii Axadda, wadamada Britain, Canada, Australia iyo Portugal waxay ku biireen in ka badan 145-ka dal ee horey u aqoonsanaa Falastiin. Inta badan dalalka aqoonsaday dowladnimada Falastiin waxay sidaas sameeyeen sannadkii 1988-kii, markii uu Ururka Xoreynta Falastiin (Fatax) ku dhawaaqay dowlad madax-bannaan.
Bishii Maajo 2024, dalalka Spain, Ireland iyo Norway ayaa aqoonsaday Falastiin, waxaana dabadood raacay Slovenia iyo Armenia isla sannadkaas gudihiisa. Dhowr waddan oo ka tirsan gobolka Caribbean-ka ayaa sidoo kale tallaabo tan la mid ah qaaday.