Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe, uu dhowr jeer sheegay inuu ku dhiman doono kursiga, ayaa waxaa hadana soo baxaaya in Mugabe uu dib uga laabtay go’aankaasi.
Robert Mugabe, ayaa iminka sheegay inuu ka fadhiisan doono gabi ahaan Siyaasada, kadib markii ay lasoo gudboonaatay ilowsho iyo culeys dhanka maskaxda ah.
Robert Mugabe, waxa uu sheegay inay farxad u tahay in Siyaasada dalkiisa uu ka fadhiisan doono, isagoo ka guuleystay Dowladaha hurmuudka u ah gumeysiga sida Mareykanka iyo Britain oo uu sheegay inuu cududa qabtay.
Dadka dalkiisa u dhashay ayuu sheegay inuu baray waxa ay galaan Dowladaha Mareykanka iyo Britain waxa uuna cadeeyay in shacabka dalkiisa uu ka tagi doono iyagoo waxbadan fahansan.
Dhinaca kale, xisbiga talada haya, Zanu PF ayaa sheegay in Mugabe inuu weli u tartami doono doorashada soo socota ee dalka ee 2018 haddii dib loo doortana, kaliya uu shaqada ka fariisanayo 2023, marka oo uu jirsan doono 99 sano.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]