Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaaladda Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Ururka Cayaaraha ee Qaaradda Afrika iyo wafdi uu hogaaminayo, waxaana kusoo dhaweeyay garoonka masuuliyiin dowladda ka tirsan.
Mas’uulkaan oo lagu magacaabo Mr Ahmed Ahmed 57-sanno jir ah ayaa dhawaan loo doortay inuu hoggaamiyo xiriirka kubbadda cagta qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo CAF.
Waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka wasaarrada dhallinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carrab.
Waxaa lagu waddaa in uu booqdo Xarunta Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada iyo sidoo kale qaar ka mid ah garoomada Ciyaaraha.
Axmed ayaa la filayaa in caawa Xaflad loogu qabto magaalada Muqdisho, iyada oo ay ka qeyb galayaan masuuliyiin kala duwan oo dowladda ka tirsan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

