Madaxweyne Biixi oo war ka soo saaray weerarkii korneyl Caare ku qaaday

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Karin ee degmada Ceerigaabo, ee u dhexeyay Ciidamada Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare iyo Ciidamada Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in dagaalkii saaka ka dib ay dagantahay xaalada guud ee deegaankii lagu dagaalamay, isagoona xusay in dadaalo ay wadaan Mas’uuliyiinta xukuumada iyo odayaasha gobolkaasi.

Biixi ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in dib u bilowdeen oo meel fiican ay mareyaan wada-hadalada u socda Jabhada uu hogaamiyo Kornayl Caare, isla markaana arrinta lagu dhameyn doono jawi nabadeed.

Madaxweynaha Somaliland oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Saaka xoog bey xiisadu u kacday ilaahay mahadii wey dagantahay himika, odayaashi, taliyayaashii ciidamada, badhasaabkii halkii bey ka wadaan waxay ku soo noqotay arrintii nabada ee wada-hadalka, taasina waa ilaahay mahadii”.

“Arrinta maanta ka taagan Sanaag, wey dhamaan doonta sidan hore u sheegay, nabadna wey ku dhamaaneysa, wax walba waqti ayey leeyihiin, midhaha geedku markay bislaadan iyaga soo dhaca, iyadoo cidina soo goyn, dadka nabadu waqti baa la siiya, qof-walba waa dhageysta waqti bey qaadata weyna daal badantahay, laakiin taladu iyadoo fiican oo bislaatay soo gu’i doonta”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Annagu xukuumad ahaan, annaga oo aan sharciga dalkana ku xad-gudbaynin waxannu diyaar u nahay in wax kasta oo xaggayaga dulqaad, qaboojin iyo gacan walaaltinimo ahba aannu u fulinno oo dabcinno kaliya wixii sharci ah ee aan la dhaafi karaynin mooyaane”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com