Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo khudbad ka jeediyay kulan ka dhacay Garoowe ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan khilaafka kala dhexeeyo Dawladda Federaalka iyo dagaalka Daacish.
Deni ayaa marka hore shaaca ka qaaday in Puntland aysan wadin mashruuc kasoo horjeedo dawladnimada iyo Soomaalinimda, isaga oo qiray inay qayb weyn ka yihiin dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in doorka ay Puntland ku leedahay hannaanka dowladeed ee Soomaaliya aan marnaba la iska indho tiri karin, ayna tahay hooyada federaalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
“Puntland ma ahan mashruuc kasoo horjeeda dowladnimada Soomaaliya” ayuu Khudbadiisa yiri Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Puntland ay difaaceyso dowladnimadeeda iyo dhulkeeda, si ay uga hortagto cadow uu ku sheegay in duulaan ku yahay jiritaanka Puntland.
Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, isaga oo ballan qaaday inuu tagi doono furimaha hore, si uu u dhiirogeliyo ciidamada difaaca Puntland ee haatan howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Saciid Deni ayaa sidoo kale shaaciyay in howlgallada ay sii socon doonaan, illaa inta laga ciribtirayo argagaxisada ku dhuumaaleysaneyso dhulka buuraleyda ah ee Puntland.
“Waxaan tegi doonaa furimaha dagaalka hawlgalkuna waa soconayaa ilaa la waayo cadaw saldhig ciidan ku leh Puntland.” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha maamulka Puntland.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkiisii yahay khilaafka Muqdisho iyo Garoowe, waxaana uga sii daray dhameystirka SSC-Khaatumo, kadib markii lasoo jeediyay in gobolka Sanaag lagu biiriyo, taas oo ay si weyn uga carootay Dawlad-goboleedka Puntland.