Madaxweyne FARMAAJO oo hal arrin muhiim ah ugu baaqay ganacsatada dalka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –ย Madaxweynaha JFS Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qorshaha ay dowlada Somalia ku dooneyso inay ku hormariso ganacsiga Somalia.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay ka goโ€™an tahay inay hormariso Ganacsiga si buu yiri Somalia ay u hiigsato Horumar muuqda.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faaโ€™iideystaan dadaalada dowladda ay ku dooneyso iney ku hormariso ganacsiga Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in laga faaโ€™iideysto maalgashiga shisheeye dowladda Soomaaliyana ay diyaar u tahay in ganacsatada ay fursado siiso.

โ€œWaa in ganacsatada ay ka faaโ€™iideystaan fursadaha aanu siineyno waxaa laga doonayaa inay ka faaโ€™iideystan fursadaha ganacsi ee shisheeyeโ€

Waxa uu xusay in ganacsatda Soomaaliyeed ay muhiim u yihiin hormarinta ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha dalka sidaasi darteedna loogu baahan yahay in fursadaha jira ay ka faa iideystaan.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka goโ€™an tahay in la sameeyo Kobac dhaqaalle oo ballaaran.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu xusay in Ganacsatadda ay muhiim u yihiin geedi socodka Maalgashiga Soomaaliya,islamarkaana laga doonaayo in ay qaataan door muhiim ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News