Madaxweyne Farmaajo oo weeraray Xasan Cali Geesey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weeraray warbaahinta madaxa-banaan xilli uu ka hadlayey kulan loogu mahadcelinayay hay’adihii iyo shaqsiyaadkii kaalinta ka qaatay qaban qaabada xuksa 60 guuradii ka soo wareegtay xornimada Soomaaliya oo lagu qabtay madaxtooyada.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen inta madaxda warbaahinta gaarka loo leeyahay ayuu madaxweynahu ka sheegay inuu shaqsiyan ka horyimid in lagu maamuuso kaalintii ay ka geysteen xuska maalmaha xorriyadda.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u magacaabay agaasimaha Dalsan Media Group Xasan Cali Geesey oo uu sheegay inuu kaalin ka qaato abaabulka ka dhanka ah ee dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda.

“Shahaado sharaf ayaan guddoonsiineynaa Cabdullaahi Xersi (Agaasimaha Universal TV), Universal iyo idaacadda Shabeelle, ayuu ii soo jeediyey Xildhibaan Maareeye, ahna guddoomiyaha guddiga, Ahna hhhh meel naga dhig ayaan iri, Billad sharaf ayaan bixineynaa hhhh” ayuu yiri Madaxweynaha oo aad u qoslaya, isuna muujinaya inuu kaftamayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa intaas agaasimaha Dalsan Xasan Cali Geesey iyo warbaahinta uu maamulo ku eedeeyay inay qeyb ka qaataan mudaharaadyada isaga looga soo horjeedo ee muddadii u dambeysay soo kordhayay.

“Xasan Geeseey (Agaasimha Dalsan Media Group) oo marka bannaanbaxyadu jiraan Taayarada soo garaangiriya, biyahana soo daldala oo isaga iyo ilmihii isu ekaadeen maxaan shahaado sharaf ku guddoonsiinaa,” ayuu madaxweynuhu ka sheegay munaasabadda.

Warbaahinta gaarka ah iyo ururada saxaafadda ayaa horay u diiday kulan uu madaxweynuhu ugu yeeray 3-dii bishii May ee lasoo dhaafay kadib eedeyn ay madaxtooyada u soo jeediyeen dhammaan ururrada saxaafadda dalka ka jira oo ku eedeeyay in maamulkiisu uu caburin ku hayo xorriyadda hadalka.