Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta doorashooyinka ayaa noqday madaxweyne goboleedkii ugu horreeyay ee bilaaba hirgelinta qorshaha Villa Somalia ee ku aadan qabashada doorasho qof & cod ah oo ka dhacda dalka.
Qoor Qoor ayaa xalay Dhuusamareeb ka daah-furau olalaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, isaga oo guddiga doorashada kusoo dhaweeyay deegaannada Galmudug.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in diiwaan-gelinta si rasmi ah u bilaabeyso Galmudug, isla markaana la gaarsiin doono dhammaan deegaannada xorta ah.
“Hadii aan nahay reer Galmudug waxaan soo dhaweeneynaa guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, waxaana ku faraxsanahay inaad diiwaan-gelinta ka billowdaan magaalada Dhuusamareeb, shaqadiina si buuxda u qabsada” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor.
Sidoo kale, madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa weerar afka ah ku qaaday xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo hannaanka wax loo wado, isaga oo ugu baaqay inay soo galaan tartanka, ayna qayb ka noqdaan doorashada qof iyo codka ah.
“Doorasho dadban waa xun tahay mida tooska ahna waxbaa ku jira xaggee rabtaa marka oo u socotaa? dadka maxaad u sheegeysaa?” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Qoor Qoor.
Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in mucaaradku sameystaan ururo, isla markaana ay qabyb ka noqdaan tartanka, iyaga oo isku kalsoon. Qoor Qoor ayaa sidoo kale sheegay in ay la fariisan doonaan, si xal looga gaaro khilaafka haatan taagan.
“Xisbiyo siyaasadeed furta soo diyaar garooba waxa aad tabasho qabtaana, waa la’idin-kala doodayaa laakiin meel uma socdo, cidna idin-ka yeeli meyso” ayuu kusii daray
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadkiina iyo shacabkiisa sharafta leh aamina oo ku kalsoonaada oo siyaasaddiina usoo bandhiga taas ayaan leeyahay saaxibada, aniga oo ixtiraamayo”.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana loo ballansan yahay shir uu iclaamiyay madaxweyne Xasan oo dhici doono 15-ka bishaan, kaas oo ay ka qayb-gali doonaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo hoggaannada bulshada rayidka ah.

