25.5 C
Mogadishu
Monday, November 10, 2025

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo la shaaciyey inuu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo xilka hayay tan iyo 1999-kii, ayaa u tartami doona muddo xilleedkii lixaad doorashada sanadka soo socda, sida ay ilo siyaasadeed u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii baarlamaanku uu meesha ka saaray caqabad dastuuri ah oo horay uga hor istaagtay inuu mar kale tartamo.

Dalkan yar ee ku yaalla Geeska Afrika waa dal xasiloon oo ku dhex yaalla gobol ay inta badan rabshado ka jiraan. Waxa uu leeyahay dekad weyn oo ay saldhigyo militari ku leeyihiin dalalka Maraykanka, Faransiiska, Shiinaha, Japan iyo Talyaaniga.

“Waxa uu oggolaaday inuu musharrax ka noqdo doorashada madaxweynaha ee sanadka soo socda, wax walbana si habsami leh ayay u dheceen,” ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Dileita Mohamed Dileita u sheegay AFP, ka dib shirweynihii xisbiga talada haya ee RPP.

Musharaxnimada madaxweynaha oo 77 jir ah waxaa sidoo kale u xaqiijiyay AFP ka qeybgale kale oo ka mid ahaa shirweynaha, kaasoo codsaday inaan magaciisa la sheegin. Si kastaba ha ahaatee, Madaxtooyada ayaan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin arrintan.

Geelle ayaa noqonaya hoggaamiyihii ugu dambeeyay ee ka mid ah madaxda da’da ah ee Afrika ee doonaya inay xukunka sii hayaan. Waxaa ka mid ah Paul Biya oo 92 jir ah oo hoggaamiya Cameroon, iyo Alassane Ouattara oo 83 jir ah oo ka taliya Ivory Coast.

Dib u doorashadiisa ayaa ah mid ku dhow hubaal.

Waxa uu doorashadii ugu dambeysay ee 2021-kii ku guuleystay 97 boqolkiiba codadkii la dhiibtay. Dhanka kale, isbahaysigiisa, Midowga Aqlabiyadda Madaxweynaha (Union for the Presidential Majority), ayaa haya inta badan kuraasta baarlamaanka.

Ururka Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha (FIDH) ayaa doorashooyinkaas ku tilmaantay “kuwo aan xor ahayn”.

Tallaabadan ayaa timid wax kayar toddobaad kadib markii Baarlamaanku uu u codeeyay in Dastuurka laga saaro xaddidaadda da’da 75-ka sano ee musharraxiinta madaxweynaha.

Sannadkii 2010-kii, Dastuurka ayaa wax ka beddel lagu sameeyay si meesha looga saaro xaddidaadda labada xilli.

Dalka Jabuuti ayaa si joogto ah ay hay’adaha xuquuqda aadanaha u dhaliilaan cabburinta codadka ka soo horjeeda dowladda.

Waxay kaalinta 168-aad kaga jirtaa 180 dal oo ku jira tusmada Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 2025 ee ay soo saarto hay’adda Suxufiyiinta aan Xuduudda Lahayn (RSF).

Hay’adda ayaa sheegtay in “saxaafadda dalka ay gebi ahaanba gacanta ugu jirto dowladda oo ay ku kooban tahay warbaahinta dowladda oo keliya.”

Geelle ayaa xilka kala wareegay Xasan Guuleed Abtidoon, oo ah aabbaha madaxbannaanida Jabuuti, sannadkii 1999-kii. Wuxuu ka soo shaqeeyay agaasimaha madaxtooyadiisa muddo 22 sano ah.

Ku dhawaaqistiisa ma ahayn mid la yaab leh.

Wuxuu albaabka u furay xilli lixaad oo shan sano ah mar uu wareysi siiyay majaladda Africa Report bishii May.

“Waxa kaliya ee aan kuu sheegi karo waa inaan dalkayga aad u jeclahay oo aanan ku kici karin fal aan mas’uuliyad lahayn oo sababa kala qeybsanaan,” ayuu yiri mar la weydiiyay wax ku saabsan musharraxnimadiisa.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay wararka joogtada ah ee ku saabsan caafimaadkiisa, isagoo qirtay in “malaha” uu u baahan yahay “inuu lumiyo xoogaa miisaan ah.”

“Marka laga reebo taas, wax walba waa hagaagsan yihiin,” ayuu yiri.

Dalka Jabuuti waxaa ku nool qiyaastii hal milyan oo qof oo kaliya, laakiin waxa uu ku yaallaa marrin ganacsi oo istiraatiiji ah oo ah Baab al-Mandab ee Badda Cas. 

- Advertisement -

Read more

Local News