Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la doortay

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa soo dhamaaday tirinta codadka wareega saddexaad ee doorashada madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ay ku tartameen labada musharax ee kala ah Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan).

66 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa codkooda dhiibanayay, waxaana xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland ku guuleystay Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Labada musharax ayaa codadka u kala helay sidan, Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo helay 47 cod, iyo Cabdi Ibraahim Warsame (Qowdhan) oo helay 19 cod.

Axmed Karaash ayaa kasoo jeeda beelaha Khaatumo, waxaana uu ka mid ahaa aas-aasayaashii maamulka Khaatumo.

Codbixintan ayaa soo afjareysa doorashadii Puntland ee lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka cusub ee Puntland oo xilka loo dhaariyey shanta sano ee soo socota.

Madaxweynaha cusub Siciid Cabdullahi Deni oo isagu saaka xilka loo doortay ayaa u hambalyeeyey Madaxweyne kuxigeenka cusub Axmed Karaash oo ah siyaasi saameyn weyn ku leh gobalka Sool, isla markaana taageero xoogan ka heystay issimada gobalkaasi kasoo jeeda.

Axmed Karaash oo isla markiiba loo dhaariyey xilka loo doortay ayaa hadal kooban oo uu soo jeediyey ku sheegay inuu balan qaadayo inuu si wanaagsan ulla shaqeeyo Baarlamaanka doortay.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com