Madaxweyne Muuse Biixi oo Uhuru Kenyatta u diray codsi la xiriira DF Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dowladda Kenya fariin ku saabsan wada hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ugu dhiibay wafdigii Kenya ka socday ee maalmahaan ku sugnaa magaalada Hargeysa.

Wafdigaasi oo isugu jiray xildhibaano, siyaasiyiin iyo ganacsato ayaa kulan ay la qaateen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo sharaxaad ka siiyay arrimaha siyaasadeed ee gobolka, caqabadaha hortaagan horusocod la’aanta aqoonsi ay helaan iyo shirkii magaalada Jabuuti ee lagu dhex dhexaadinayay Dowladda federaalka Sooamaliya iyo maamulka Somaliland.

Muuse Biixi ayaa xubnihii ka socday Kenya wuxuu fariin ugu dhiibay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, isagoo wafdiga u sheegay in Kenya ay door firfircoon ka qaadan karto wada-hadallada socda maadaama buu yiri ay ka mid tahay dalalka IGAD.

Arrintaan ayaa haddii uu aqbalo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ay caqabad ku noqon doontaa wada-hadalka socda iyo in labada dhinac isku soo dhawaadaan, maadaama uu xun yahay xiriirka dowladda federaalka iyo Kenya.