Mombasa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa sheegay in qayb ka mid ah maalgelintii weerarkii argagixiso ee 2019 lagu qaaday DusitD2 ee magaalada Nairobi lagu raad raacay bankiyo ku yaalla Soomaaliya, Koonfur Afrika, iyo gudaha Kenya.
Madaxweyne Ruto oo ka hadlayay shirweynihii 23-aad ee madaxda xafiisyada dacwad-oogayaasha ee dalalka Commonwealth oo ka socday magaalada Mombasa, ayaa hoosta ka xarriiqay in maalgelinta argagixisadu ay tahay arrin xuduudaha dhaafsan, isagoo yiri:
“Maalgelinta, fududeynta, iyo fulinta weerarrada waa kuwo xuduudaha ka gudba. Tusaale ahaan, weerarkii DusitD2 maalgelintiisa waxaa lala xiriiriyay banki ku yaalla Koonfur Afrika, bankiyo kale oo gudaha Kenya ah, iyo kuwo ku yaalla Soomaaliya.”
Madaxweynuhu ma uusan shaacin magacyada bankiyada Soomaaliyeed ama kuwa kale ee lala xiriiriyay eedda, sidoo kalena faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin macaamillada la tuhunsan yahay. Xukuumadda Soomaaliya kama aysan bixin war rasmi ah ilaa hadda, waxaana xusid mudan in wax banki Soomaali ah aan si rasmi ah loogu magacaabin gal-dacwadeedka maxkamadaha Kenya ee la xiriira weerarkaasi.
Hadalka Ruto ayaa imaanaya xilli xiriirka Kenya iyo Soomaaliya uu sanadihii dhowaa liitay, uuna soo maray marxalado ay ka mid yihiin khilaafaad ku saabsan xuduud badeedka, is-marinwaaga ganacsi, iyo arrimo la xiriira iskaashiga amni.
Inkastoo xiriirka labada dal uu hadda is hagaajinayo, haddana weli ma fadhiyo, si gaar ahna la-macaamilka Kenya ay weli sii waddo ee maamullada Somaliland iyo Jubaland, oo xadgudub ku ah madax-banaanida Soomaaliya.
Ilo ku dhow hay’adaha xeer-dejinta ee Muqdisho ayaa muujiyay walaac ku saabsan sida guud ee eedda loo jeediyay. Mas’uuliyiin arrinta la socday ayaa sheegay in uusan jirin wax banki Soomaali ah oo si gaar ah loo magacaabay, islamarkaana aan la gaarsiinin dowladda Soomaaliya wax war rasmi ah oo arrinta ku saabsan.
Weerarka lagu qaaday hoteelka iyo dhismaha xafiisyada DusitD2 ee xaafadda Riverside ee Nairobi wuxuu dhacay 15-kii Janaayo, 2019, markii shan dagaalyahan oo lala xiriiriyay kooxda Al-Shabaab ay fuliyeen weerar isugu jiray qarax iyo rasaas.
Weerarkaasi wuxuu sababay dhimashada 21 qof — oo ay ku jireen muwaadiniin Kenyan ah iyo ajaanib — halka in ka badan 30 kale ay dhaawacmeen. Ciidamada ammaanka Kenya ayaa toogtay dhammaan shantii weeraryahan intii lagu guda jiray howlgalka badbaadinta.
Tan iyo weerarkaasi, xeer-ilaalinta Kenya waxay horgeysay maxkamadaha kiisaskii la xiriiray argagixisada. Bishii May 2025, laba qof ayaa lagu helay dambiga ah inay taageereen weeraryahanadii weerarkaasi, waxaana la filayaa in xukunka lagu rido 19-ka June 2025. Sidoo kale, sannadkii 2019, saddex qof ayaa lagu xukumay dambiyo la xiriira weerarkii 2015 ee Jaamacadda Garissa, kuwaasoo lagu riday xabsi daa’in iyo xukuno gaaraya illaa 41 sano.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in haatan ay maxkamadaha Kenya yaallaan 24 kiis oo la xiriira argagixisada, kuwaasoo intooda badan ay ka dhan yihiin dad lagu tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin ururro argagixiso oo caalami ah.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale shirka ka sheegay in Kenya ay waddo dadaallo ballaaran oo ay kula dagaallamayso dambiyada xuduudaha dhaafsan. Intii u dhexeysay 2021 ilaa 2024, ayuu sheegay in dowladda Kenya ay la tacaashay 720 kiis oo la xiriira dambiyo ay ka mid yihiin tahriibinta dadka, been abuurka dokumentiyada, iyo gudbidda xuduudaha si sharci-darro ah. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud (ODPP) ayaa muddadaas sidoo kale diiwaangeliyay 30 kiis oo lacag-dhaqid ah.
Madaxweyne Ruto wuxuu ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga gobolka iyo caalamka, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sameeyo baaritaanno wadajir ah, la is-dhaafsado xogaha, lana isku waafajiyo sharciyada la dagaallanka dambiyada.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Xafiiska ODPP ee Kenya uu heshiisyo is-afgarad ah la saxiixday xafiisyada dacwad-oogayaasha ee Azerbaijan, Morocco, Qatar, iyo Sacuudi Carabiya si loo xoojiyo dadaallada ka dhanka ah argagixisada iyo dambiyada abaabulan.
Ruto wuxuu hoosta ka xarriiqay caqabadaha cusub ee ay wajahaan laamaha sharciga, gaar ahaan isticmaalka ay kooxaha dambiilayaasha ku sameeyaan baraha bulshada ee sirta leh iyo lacagaha loo adeegsado qaabka cryptocurrency. Wuxuu sheegay in arrimahaasi ay adkeeyeen ogaanshaha iyo joojinta maalgelinta argagixisada.
Shirka oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qaybgalay dacwad-oogayaal iyo madax ka socday dalalka Commonwealth, waxaana ka mid ahaa Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya, Renson Ingonga.