Paris (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla magaalada Paris ayaa Khamiista maanta ah ku xukuntay madaxweynihii hore ee Faransiiska, Nicolas Sarkozy, shan sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inuu lacago sharci-darro ah oo ololihiisa doorashada la xiriiray ka aqbalay hoggaamiyihii hore ee Liibiya, Mucammar Al-Qaddaafi.
Xukunkan ayaa ka dhigan in la xiri doono, haddii uu racfaan ka qaato iyo haddii kaleba. Garsooraha ayaa sidoo kale ku amray inuu bixiyo ganaax dhan โฌ100,000.
Xeer-ilaalintu waxay ku eedeysay Sarkozy, oo mar walba iska fogeeyay eedeymahan, inuu heshiis la galay Qaddaafi sanadkii 2005-tii, xilligaasoo uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha ee Faransiiska, si uu u helo dhaqaale uu ku galo ololaha doorashada, taasoo beddelkeeda uu ku taageeri lahaa dowladdii Liibiya oo xilligaas caalamka ka go’doonsanayd.
Maxkamadda ayaa Sarkozy ku heshay dambiyo isku xiran oo uu qayb ka ahaa qorshe u dhexeeyay 2005 ilaa 2007, kaasoo ujeedkiisu ahaa in ololihiisa doorashada lagu maalgeliyo lacago ka yimid Liibiya, si loogu abaal gudo saamaxaadyo diblomaasiyadeed. Laakiin maxkamadda ayaa ka sii daysay saddex eedeymood oo kale oo ay ka mid ahaayeen musuq-maasuq, maalgelin sharci-darro ah oo ololaha doorashada, iyo qarin lunsasho hanti dadweyne.
Sarkozy ayaa si kulul u dhaleeceeyay go’aanka maxkamadda ee ku saabsan isku xirnaanta dambiyeed, isagoo weriyeyaasha u sheegay markii uu maxkamadda ka soo baxayay inuu u arko mid “aad halis ugu ah sarreynta sharciga.”
Isagoo ay garab taagan tahay xaaskiisa oo ah model iyo fannaanad, Carla Bruni-Sarkozy, ayuu Sarkozy weriyeyaasha u sheegay inuu racfaan ka qaadan doono go’aanka, “isagoo madaxa kor u haya uu xabsiga ku seexan doono,” kaddib markii maxkamaddu amartay in goor dambe la xiro.
Xukunkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee caqabado sharci oo is-daba-joog ah oo soo wajahay hoggaamiyihii hore ee garabka midig, oo 70 jir ah, kaasoo dafiray eedeymaha loo soo jeediyay.
Sarkozy, oo madaxweynaha Faransiiska ahaa intii u dhaxaysay 2007 iyo 2012, ayaa horay loogu xukumay laba kiis oo kala duwan waxaana laga xayuubiyay sharaftii ugu sarraysay ee Faransiiska.
Xukunka ayaa waxaa hareeyay geerida ku timid maalqabeenkii Faransiiska iyo Lubnaan u dhashay, Ziad Takieddine, oo ahaa mid ka mid ah dadkii ugu muhiimsanaa ee Sarkozy ku eedeeyay kiiskan, kaasoo Talaadadii ku geeriyooday magaalada Beirut.
Takieddine wuxuu dhowr jeer sheegtay inuu gacan ka geystay gudbinta lacag caddaan ah oo gaaraysa ilaa shan milyan oo Yuuro ($6 milyan) oo Qaddaafi uga timid Sarkozy iyo madaxii shaqaalaha madaxweynihii hore intii u dhaxaysay 2006 iyo 2007.
Kaddib wuxuu si la yaab leh uga laabtay sheegashadiisii, ka hor inta uusan markale iska hor imaan hadalkiisii hore, taasoo keentay in kiis kale laga furo Sarkozy iyo xaaskiisa, iyadoo looga shakisan yahay inay cadaadis saareen markhaati.
Geerida Takieddine, oo 75 jir ahaa, kuna dhintay wadne istaag, isla markaana ku noolaa Lubnaan si uu uga baxsado amar soo qabasho ah oo Faransiisku soo saaray, ayaa hubanti la’aan cusub ku soo kordhisay dacwadda, iyadoo sare u qaadday suurta-galnimada in xukunka dib loo dhigo.
‘Ilaa dhamaadka waan dagaallami doonaa’
Xeer-ilaalintu waxay ku doodeen in Sarkozy iyo kaaliyeyaashiisu ay heshiis la galeen Qaddaafi sanadkii 2005-tii si ay si sharci-darro ah ugu maalgeliyaan ololihii doorashada madaxweynenimo ee Sarkozy uu ku guuleystay laba sano kaddib.
Baarayaashu waxay aaminsan yihiin in taas beddelkeeda, Qaddaafi loo ballan qaaday in laga caawin doono soo celinta sumcaddiisa caalamka kaddib markii reer Galbeedku ay Tripoli ku eedeeyeen inay ka dambaysay qarxintii diyaarad sannadkii 1988-kii oo dul martay Lockerbie, Scotland, iyo mid kale oo ku dhacday Niger sannadkii 1989-kii, halkaasoo ay ku dhinteen boqollaal rakaab ah.
Ugu dambayn, Qaddaafi waxaa afgambiyay oo dilay mucaaradkii dalkiisa sanadkii 2011 intii lagu jiray Kacdoonkii Carabta, xilli ay socotay faragelin millatari oo ay wadeen ciidammada NATO โ oo Faransiiska xilligii Sarkozy uu door muhiim ah ka ciyaaray โ taasoo lagu soo rogay xayiraad dhanka duulimaadyada ah.
Kow iyo toban qof oo kale ayaa lagu soo eedeeyay kiiskan oo ay la socdeen Sarkozy, oo ay ku jiraan ninkii uu aadka ugu kalsoonaa, Claude Gueant, madaxiisii maalgelinta ololaha, Eric Woerth, iyo wasiirkii hore Brice Hortefeux, kuwaasoo dhammaantood iska fogeeyay eedeymaha.
Gueant ayaa Khamiista lagu xukumay lix sano oo xabsi ah, halka Hortefeux lagu xukumay laba sano.
Kiiska xeer-ilaalinta ayaa ku salaysnaa hadallo laga soo xigtay toddoba sarkaal oo hore oo Liibiyaan ah, safarro ay Gueant iyo Hortefeux ku tageen Liibiya, xawaalado lacageed, iyo buug-yar oo uu lahaa wasiirkii hore ee shidaalka Liibiya, Shukri Ghanem, kaasoo meydkiisa laga helay isagoo ku haftay webiga Danube ee Vienna sanadkii 2012.
“Waqti kasta ha qaadatee, laakiin ilaa dhamaadka waan u dagaallami doonaa si aan u caddeeyo dembi la’aantayda,” ayuu Sarkozy u sheegay wargeyska Faransiiska ee Le Figaro.
Sarkozy ayaa wajahay dhibaatooyin sharci oo is-daba-joog ah tan iyo markii uu xilka ka degay, waxaana si gooni-gooni ah loogu soo eedeeyay musuq-maasuq, laaluush, awood-sheegasho, iyo ku xadgudub sharciyada maalgelinta ololaha doorashada.
Markii ugu horreysay waxaa lagu helay dambi musuq-maasuq ah waxaana lagu xukumay hal sano oo xabsi ah, kaasoo uu ku qaatay isagoo xiran qalab elektaroonig ah oo lagula socdo muddo saddex bilood ah, ka hor inta aan shardi lagu sii deyn.
Sidoo kale, waxaa si gooni ah loogu xukumay hal sano oo xabsi ah โ lix bilood oo xarig ah iyo lix bilood oo kale oo la hakiyay โ kiiskii loogu magac daray “Bygmalion affair,” oo la xiriiray maalgelin sharci-darro oo ololaha doorashada ah. Sarkozy wuxuu u gudbiyay maxkamadda ugu sarraysa ee racfaanka ee Faransiiska si uu uga dacwoodo xukunkaas.
Wuxuu la kulmay cawaaqib ka baxsan maxkamadda, oo ay ka mid tahay in laga qaaday billadda Sharafta Rug Caddaaga (Legion of Honour) โ oo ah billadda ugu sarraysa ee Faransiiska โ kaddib markii lagu helay dambiga musuq-maasuqa.
Marka laga soo tago dhibaatooyinka sharciga ah, ninkan oo isku magacaabi jiray “madaxweynihii firfircoonaa” (hyper-president) intii uu xilka hayay, wuxuu weli saameyn iyo taageero weyn ku leeyahay dhanka midig ee siyaasadda Faransiiska, waxaana la ogyahay inuu si joogto ah ula kulmo Madaxweyne Emmanuel Macron.