Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto beegsiga dadka ku lugta leh ganacsiga daroogada, isagoo adeegsaday ereyga in “dad la dili doono”.
Trump ayaa hawl-galladaasi ku sifeeyay dagaal dhab ah, inkasta oo uu qirtay in tallaabo kasta oo noocaas ah ay u baahan tahay oggolaanshaha Congress-ka.
Maamulka Trump ayaa toddobaadyo duqeymo ka fulinaya badaha Caribbean-ka iyo Pacific-ga, halkaas oo ay ku dileen 37 qof, inkasta oo aan la soo bandhigin caddayn muujinaysa in doomaha la beegsaday ay daroogo wadeen.
Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro ayaa dhaleeceeyay hawlgalladaas, isagoo yiri: ”dhimashadu waxay u sii kordhaysaa sida mitirka tagsiga”.
Hadallada Trump ayaa durba dhaliyay doodo ballaaran oo ku saabsan isticmaalka xoog militariga ee gudaha iyo dibadda.
Qorshahan ayaa abuuri karo khilaaf sharci iyo mid diblumaasiyadeed, iyadoo saraakiil hore oo Pentagon ah ay ka digeen in tallaabooyinkaas ay horseedi karaan dhimasho rayid oo aan loo meel dayin.
Sidoo kale, ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo duqeymaha, maadaama aysan jirin caddeyn rasmi ah oo muujinaysa in dadka la dilay ay ahaayeen ganacsato daroogo.
Si kastaba, Trump ayaa qorsheynaya in Senate-ka uu ka codsado in howl-galka lagu balaariyo dhulka, taas oo sii kordhisay dhaleeceynta iyo su’aalaha la iska weydiinayo sharcinimada hawl-galladan.

