Muqdisho (Caasimada Online) Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa shacabka Soomaaliyeedkula dardaarmay in ay is dajiyaan, wuxuuna sheegay in wax dhib ah dalka uusan ka dhici doonin, isla markaana ay ku kal soonaadaan dowladiisa.
Madaxweynaha ayaa hadalkan sheegay markii ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Saacid uu waayay kalsoonida xildhibananada baarlamaanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu soo magacaabi doono raysal wasaare soo dhisa xukuumad wax badan qabata sida uu hadalka u dhigay.
Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in wixii hadda ka dambeeya khilaafka soo kala dhex gala hey’addaha dowladda aan loo qaadi doonin waddamada dariska, wuxuu sheegay in siddii shaley oo kala loo xallin doono.
Si kastaba, madaxweynaha ayaa hadda billaabaya siddii uu uga fikiri lahaa shakhsiga uu u magacaabayo ra’iisal wasaaraha cusub wuxuuna heestaa muddo 30 cisho sida uu qabo dastuurka KMG ah.
Madaxweynaah ayaa billaabay wadatashiyo uu la lee yahay, waxgarad, siyaasiyiin iyo xubno xiriir la leh ururkiisa Dam-Jadiid.
Ma cadda ruuxa uu noqon doono raysal wasaaraha, balse waxaa hubaal ah in shaqo adag ay u taallo raysal wasaaraha cusub.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho