25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Madaxweyne Xaaf maxaa la gudboon?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Galmudug ayaa dhexjibaaxaysa qalalaaso siyaasadeed tan iyo markii Madaxweynaha Galmudug ku dhawaaqay in maamulkiisu uu la jiro xulafada Sacuudiga, KHILAAFKA KHALIIJKA. Go’aanka Xaaf waxaa ganafka ku dhuftay Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug. Waxaa xigay in la isku dayay in Xaaf lagu xayiro Hargaysa ayadoo qorshuhu ahaa in xilkaqaadis lagu sameeyo inta uu maqan yahay lagumase guulaysan. Kadib 17 xildhibaan oo Baarlamaanka ka tirsan ayaa sheegay in xilkii ka qaaday Madaxweynaha. Dhammaan tallaabooyinkaas waxay ku ay daabka u haysay dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Intaas kadib waxaa arrinta ku baxay xikdhibaanno ka mid ah kuwa federaalka ee Galmudug laga soo doortay, kumase aysan guulaysan kadib markii Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanku diideen. Waxaa xusid mudan in gunta  weerarka Xaaf lagu soo qaaday aysan ahayn maxaad u qaraab tagtay kaliya ee ay jiraan jiraan arrimo kale sida fashilinta wadahaxaajoodka uu Ahlu Sunna kula jiray oo meel fiican marayay ayna jiraan shakhsiyaad doonaya  fashilinta Galmudug iyo midnimada dadka gobollada dhexe kuwaas oo adeegsanaya awooddii Federaalka.
Weerar celintii Xaaf
Xaaf markii uu ka badbaaday weeraradii cuslaa ee Federaalku ku soo qaaday wuxuu bilaabay weerar jawaab celin ah uu ku qaaday kuwii soo weeraray, wuxuu ka bilaabay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne, Baarlamaanka Galmudug ayaa kulan ay yeesheen xilalkii uga qaaday labada mas’uul ee kor ku xusay. Xil kaqaadiska Cali Gacal iyo Maxamad Xaashi Carrabeey ma waxay ahayd mid sharci waayo 54 xildhibaan ayaa kulanka soo xaadiray xilkana ka qaaday. Wuxuu kalio xiray Garoomadaha diyaaradaha ee Galmudug asagoo uga dan lahaa inuu joojiyo taageeradii Cali Gacal iyo Carrabeey ka helayeen Muqdisho. Aniguse khalad ayay ila ahayd tillaabada dambe ee uu qaaday.  Cali Gacal Casir iyo Maxamad Xaashi Carrabeey way ku gacansayreen xilka qaadista lagu sameeyay arrintuna waxay gaartay barako ma leh iyo in ay yeelatay wajiyo qabiil.
Intaas waxaa xigtay in nin sheegtay inuu yahay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug ee sheegay in dhammaan xil kaqaadisyadii la sameeyay ahaayeen sharci ah taasoo macneheedu yahay in Galmudug aysan lahayn Madaxweyne, Kuxigeen iyo Guddoon Baarlamaan waxaase soo baxday in ninkaasi uusan ahayn Gudoomiyaha Maxkamadda Sare uuna horay isaga casilay xilkaas  waxaa intaas sii dheer in ninkaas  uu Cabdikariim Guuleed, Madaxweynihii hore ee Galmudug magacaabay sida sharcigu yahayna uusan Baarlamaanka Galmudug ansixin. Ninkaasi hadda waa Qareen ka mid ah Qareenada Maxkamadda Gobolka Banaadir. Sida warar lagu kalsoon yahay xaqiijiyeen ninkaan waxaa laga soo baritaaray Villa Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir.
Xaafow dhagaxkariye ha noqon
Sida muuqata Dawladda Federaalku kuma guulaysan inay Xaaf meesha ka saaraan waxayse ku guulaysteen inay wiiqaan awooddiisi oo markii horeba iska yarayd iyo inay madmadow galiyaan sharcinimada xilkiisa, Waxay ku guulayseen in shaki kala galiyaan beelihii Galmudug ku midoobay oo markii hore qaarkood tabasho qabeen. Sidaa awgeed waxaa Xaaf la gudboon inuu talada u celiyo beelaha Galmudug oo dhan uuna xaqiijiyo inuu haysto taageerada odayaaha dhaqanka beelaha ee markii hore dhisay Galmudug. Xaaf waa inuusan isku dayin xil u dhiibidda shakhsiyaad magacyo beeleed wata ase aan kuwa taladu ka go’do. Xaaf haddii uusan haysan kalsoonida beelaha Galmudug iyo tan Baarlamaanka waa meesha isaga tago.
Waxaa qoray Cali M Diini
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid
- Advertisement -

Read more

Local News