Muxuu yahay qorshaha madaxweyne Xasan, kadib safarka dalka JABUUTI?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku joogo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa la filayaa inuu uga sii gudbo dhinaca magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa casuumaad ka helay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, wuxuuna gelinka dambe maanta u duuli doonaa Addis Ababa, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Xasan oo weli ku sugan Jabuuti ayaa wadahadallo la yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Gelle oo ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo iskaashiga labada dowladood.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle ka guddoonsiiyey billad sharafta ugu sareysa Jabuuti, kadib casho sharaf loogu sameeyey madaxtooyada dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale maanta khudbad u jeediyey Baarlamaanka Jabuuti, taas oo uu kaga hadlay xiriirka iyo walaaltinimada Soomaaliya iyo Jabuuti.

Si kastaba, safarka madaxweynaha ku tegi doono, Itoobiya ayaa noqon doono kiisii lixaad, wuxuuna horey u booqday Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya iyo Jabuuti oo uu hadda joogo.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed 15-kii May, kadib markii dib loo doortay madaxweyne Xasan oo ballan-qaaday Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.