Madaxweyne Xasan oo shaaciyay in la qodayo ceelkii ugu horreeyay oo shidaal ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si qoto dheer uga hadlay arrimaha shidaalka, maadaama lasoo gabagabeeyay sahmintii muddada dheer socotay ee ay sameysay dowladda Turkiga.

Xasan Sheekh oo khudbad dheer ka jeediyay Baarlamaanka ayaa sheegay in haatan la guda galayo soo saarista shidaalka, si looga faa’iideysto khayraadka dabiiciga ah ee dalka.

Madaxweynaha ayaa toos carrabka ugu dhuftay in dhawaan la qodi doono ceelkii ugu horreeyay ee shidaal, isla markaana la hirgelin doono mashaariic waa weyn oo dhanka kaabayaasha ah, sida garoomo, dekado cusub iyo saldhig wayn oo Dayax-gacmeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintan ay tahay tallaabo weyn oo loo qaaday dhanka horumarka iyo guud ahaan kobaca dhaqaalaha dalka.

โ€œBilaha soo socda, Ilaahay idamkii waxaa billaabanaya qodista shidaalka. Waxaynu horumarinaynaa kaabayaasheenna dhaqaale, oo ay ka mid yihiin jidadka, garoomada dayaaradaha, dekadaha oo lagu daray saldhig laga gano dayaxgacmeedyada, oo ah kii ugu horreysay ee Qaaradda Africa laga dhiso” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweynuhu.

Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa si weyn u ammaanay muwaadiniintaย  Soomaaliyeed iyo ganacsatada canshuurta bixisa, isaga oo tilmaamay in maanta dowladdu ay mushaar siiso illaa 100,000 oo qof, kuwaas oo ay ku jiraan 10,000 oo macallin oo ka shaqeeya dalka.

“Tirada macallimiinta wax ka dhiga iskuullada waxaa la gaarsiin doonaa 10,000, si loo horumariyo waxbarashada dalka,โ€ย  ayuu mar kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa kale oo uu soo hadal arrimaha miisaaniyadda dalka, isaga oo xusay inta ugu badan lagu bixiyay xoreynta dalka, si looga adkaado kooxaha argagixisada ah.

Si kastaba, ha’ahaatee Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha ayaa muujinayo rajo weyn oo laga qabo in Soomaaliya ay si buuxda uga faaโ€™iidaysato khayraadkeeda dabiiciga ah, isla markaana ay u beddesho fursado wax ku ool ah oo wax ka beddela nolosha shacabka.

- Advertisement -

Read more

Local News