Xasan Sheekh oo dalka kusoo laabtay balse isla maanta u baxaya safar kale oo dibadeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib booqasho rasmi ah oo ay ku tegeen caasimada Kenya, waxaana la filayaa inuu isla maanta u baxo safar kale.

Madaxweyne Xasan oo soo gaabiyey safarkiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas’uulyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, waxaa kadib loo galbiyey dhismaha xarunta madaxooyada Soomaaliya, ayada oo muddo kooban loo xiray qaar ka mid ah waddooyinka.

Sida uu qorshaha ahaa madaxweynaha ayaa la filayey inuu la kulmo jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, balse ma dhicin, wuxuuna isla maanta kusoo laabtay Muqdisho, taas oo ka dhigeysa in booqashadiisu ay qaadatay hal maalin oo qura. remotepilot101.com

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu isla galabta u dhoofo dalka Jabuuti, halkaasi oo uu ku tegayo booqasho hal maalin ah, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Waxa uu Jabuuti kula kulmi doonaa madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay ka wada hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal oo xumaa tan iyo muddadii uu Farmaajo ahaa madaxweynaha. Farmaajo ayaa Jabuuti kala saftay Eritrea oo ay xiisad kala dhaxeyso.

Safarka madaxweynaha ee Jabuuti ayaa noqonaya kii shanaad ee uu dalka uga baxo, tan iyo markii dib loo doortay, wuxuuna horey u booqday, dalalka Imaaraadka, Turkiga, Eritrea iyo Kenya.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Nairobi wuxuu wadahadallo miro dhal ah la yeeshay dhiggiisa Uhuru Kenya oo ay wada saxiixeen heshiis dib loogu fasaxay Qaadka Kenya.

Sidoo kale waxaa heshiiskaas qayb ka ah xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, fududeynta dal ku-galka, dhaq-dhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal.

Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo diirradda saaraya xoojinta  xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya la leedahay dalalka Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Soomaali heshiis la ah dariskeeda iyo danaha isku dhafan ay wadaagan waddamada Gobolka, gaar ahaan  dhinacyada adkeynta xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta.