25.4 C
Mogadishu
Tuesday, October 7, 2025

Xasan oo soo jeediyay in Soomaaliya ay hormariso luuqad aan laga fileyn

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirweynaha urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika (EACCON 2025) ayaa soo jeediyay in xoogga la saaro luqadda Sawaaxiliga.

Xasan Sheekh ayaa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faray inay ka shaqeyso horumarinta luqadda Sawaaxiliga, maadaama ay tahay luqadda bariga Afrika oo ay dhawaan xubin buuxda ka noqotay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan jaamacadaha dalka waxaan ku boorinayaa inay xoog badan geliyaan horumarinta luqadda Sawaaxiliga oo ah luqadda ay leedahay East Africa” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sii raaciyay “Jaamacadaha sideedaba laba farriin ayay ximbaasan yihiin cilmi iyo aqoon inay abuuraan oo ay curiyaan waa mid. Cilmigaas iyo aqoontaas ay dhaliyeen iyo kuwa horay loo soo dhaliyay inay baahiyaan oo gaarsiiyaan dadka waa midda labaad”.

Wasiirka waxbarashada Faarax Cabdulqaadir oo isna khudbad ka jeediyay madasha ayaa arrintan sii xoojiyay, waxaana ka dhalatay hadal heyn xoogan iyo falcelin ay ka sameeyeen bulshada Soomaaliyeed.

Cali Yare Cali: “Dowladdii saakay waxeey la soo toostay mashruuc la yiraahdo afka Sawaaxiliga ayaan horumarin ku sameeyneynaa manhajka waxbasho ayaana lagu darayaa. Ma kala hubo qorshe dowlo iyo qeyb dagaalka Ahmed Madoobe ka mid ah oo loogu qasbanaaday kan uu yahay”.

Maahir Ibraahim: “Haddii wax la hormarinaayo Af-maay-maayga hala hormariyo maxaa luuqad ajaaniIb iska leh loo baranaa middeena ayaaba kaseyninee”.

Yoonis Yaasiin: “English Manjaka dalka waa ku jiraa ee maxAA ku jaban in Sawaaxilina lagu daro?”.

Cabdulqaadir Daahir: “Xasanow maad na dhahdid dalka waa la kala qeybsaday marka aad luuqad islaameed aad jilka cusub ku dhirigallineyso China luqaddiisa uu ku hor marray”.

Abshir Baari: “Kiswaahiliga waa luqad muhiim ah oo badi dadka bariga Afrika dagan ay ku hadlaan, waxayna qeyb muhiim ka qaadanaysaa is dhexgalka bulshada bariga Afrika”.

Liibaan Cismaan Maxamuud: “Manhajka Somalia halagu soo daro barashada luqadda Sawaaxilaga”.

Yuusuf Macallin: “Af Soomaaligii Miyaa ka dhamMaaday?”.

Danjire Cabdirisaaq: “Luqadda in la barto guud ahaan dadka Soomaaliyeed ayey dan wayn ugu jirtaa”.

- Advertisement -

Read more

Local News